Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Madaxweynaha Uganda Oo Ka Hadlay Jabkii Ciidamadiisa Ku Gaaray Buulo-mareer.
  • Allposts
  • Warar

Madaxweynaha Uganda Oo Ka Hadlay Jabkii Ciidamadiisa Ku Gaaray Buulo-mareer.

May 28, 2023

Madaxweynaha dalka Uganda, baadariga saliibiga ah ee lagu magacaabo Yuweri Museveni ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii lagu xasuuqay ciidankooda ee ka dhacay magaalada degmada Buula-Mareer jimcihii lasoo dhaafay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu yiri:

“Subixii Jimcaha, saacadu markii ay ahayd  5:30am (kow iyo toban saac iyo bar subaxnimo), dhacdo nasiib-darro ah ayaa nagu qabsatay Soomaaliya, halkaas oo ay cidamadeenu ka hawlgalayeen tan iyo 2007dii. Magaalada lagu magacaabo Buulo-Mareer, waxaa ku yaallay saldhig ay joogeen ciidamo ka tirsan UPDF. Difaacyadooduna aad ayay u xooganaayeen inkastoo lagu ilaalinayo hubka fudud”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaa saldhigga yaallay laba taangi, laba qori oo kuwa lidka diyaaradaha ah, gaar ahaan nooca  Shilkaha loo yaqaano iyo qori 107mm Katuusha ah. Qaar ka mid ah Ciidamadeena halkaasi ku sugnaa ma aysan soo bandhigin wax-qabadkii laga filayay waana ay qalqaleen oo argagax ayaa ku dhacay, taas oo keentay inay kala cararaan, Al-Shabaab ayaa ka faa’iideysatay fursadaas iyagoo xeradii cagta mariyay, qalabkii halkaas yaallayna burburiyay”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni sheegay in ciidankoodii ka baxsaday weerarka uu firxadkoodu gaaray saldhigga Golweyn, wuxuuna yiri: “Qaar ka mid ah askarteena waxay u baxsadeen saldhig kale oo aan ku leenahay meel 9 kiiloomitir u jirta Buula-Mareer, Argagixisadu aad ayay u badnaayeen, ilaa 800 ama wax ka badan ayay ahaayeen” ayu hadalkiisa sii raaciyey.

Wuxuu tacsi u diray dadweynaha reer Uganda, kuwaas oo ugu baaqay inay calool adeyg ku qaabilaan musiibadaasi aan laga indha laaban karin. “Waxaa tacsi u dirayaa guud ahaan wadanka Yugaandha iyo ehelada askartii ku dhintay weerarka. Dhacdadan nasiib darrada ah waa in loo adeegsadaa in lagu xasuusiyo dhammaan dadka ay khusayso, in hawlgallada Soomaaliya iyo furumaha kale ka socda ay yihiin hawlgallo dagaal ee aanay ahayn mashaariic gargaar oo aad dhaqaalo uga heleyso Qaramada Midoobay”

Madaxweynaha dalka Uganda, gaal Yuweri Museveni ayaa sheegay inay guddi u saareyn baaritaanka iyo dabagalka xasuuqii ciidankooda ku qabsaday Buula-Mareer, ayna dib kasoo gudbin doonaan khasaaraha iyo faahfaahino dheeraad ah.

Falka dhacay waa fal dembi ku ah qof walba oo ku lug leh, inuu hawlgal noocaas ah usoo diro askar aan diyaarsanayn ama aan ku haboonayn hawshaas ama aan si wanaagsan loosoo diyaarinin.  Faahfaahintu waxay soo bixi doontaa ka dib marka ay guddiga baarista loo xilsaaray ay shaqadooda soo dhamaystiraan markaas oo ay xaqiiqada dhabta soo bixi doonto oo ay ku jirto tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarka” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Dowladda Uganda ayaa shaley shaacisay inay Soomaaliya usoo dirtay wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka Uganda,kuwaas oo qiimeyn doona xaalada ciidankooda ku sugan Soomaaliya iyo weerarkii Buula-Mareer ee lagu xasuuqay ciidankooda, waxaana muuqaneysa inay xukuumada Kampala dareentay halista ku gedeeman ciidankooda ku sugan saldhigyada ku yaalla jiidda hore ee Sh/hoose.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -08-11-1444 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -08-11-1444 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -25-11-1446-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -25-11-1446-Hijri.

May 22, 2025
Siyaasiyiin Si Wayn U Mucaaradsan Xassan Gurguurte Oo Ka Degay Garoonka Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Siyaasiyiin Si Wayn U Mucaaradsan Xassan Gurguurte Oo Ka Degay Garoonka Muqdisho.

May 22, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -24-11-1446 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -24-11-1446 Hijri.

May 22, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 11 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 11 aad)

May 21, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 10 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 10 aad)

May 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 9aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 9aad)

May 15, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 8aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 8aad)

May 13, 2025

Sawirro

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho+Sawirro.

May 17, 2025
Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.

April 17, 2025
Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.

April 16, 2025
Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.

April 16, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.

April 16, 2025
Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.

April 10, 2025
Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.

April 1, 2025
Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.

March 31, 2025
Daawo+Dhagayso: Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Degmada Jilib Jubbada Dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Degmada Jilib Jubbada Dhexe.

March 30, 2025
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Hiiraan, Baay Iyo Bakool.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Hiiraan, Baay Iyo Bakool.

March 30, 2025
Daawo Sida Looga Debaal-degay Munaasabadda Ciidda Jubbada Hoose Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Debaal-degay Munaasabadda Ciidda Jubbada Hoose Iyo Gedo.

March 30, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada