Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Madaxweynaha Uganda Oo Ka Hadlay Jabkii Ciidamadiisa Ku Gaaray Buulo-mareer.
  • Allposts
  • Warar

Madaxweynaha Uganda Oo Ka Hadlay Jabkii Ciidamadiisa Ku Gaaray Buulo-mareer.

May 28, 2023

Madaxweynaha dalka Uganda, baadariga saliibiga ah ee lagu magacaabo Yuweri Museveni ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii lagu xasuuqay ciidankooda ee ka dhacay magaalada degmada Buula-Mareer jimcihii lasoo dhaafay. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu yiri:

“Subixii Jimcaha, saacadu markii ay ahayd  5:30am (kow iyo toban saac iyo bar subaxnimo), dhacdo nasiib-darro ah ayaa nagu qabsatay Soomaaliya, halkaas oo ay cidamadeenu ka hawlgalayeen tan iyo 2007dii. Magaalada lagu magacaabo Buulo-Mareer, waxaa ku yaallay saldhig ay joogeen ciidamo ka tirsan UPDF. Difaacyadooduna aad ayay u xooganaayeen inkastoo lagu ilaalinayo hubka fudud”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaa saldhigga yaallay laba taangi, laba qori oo kuwa lidka diyaaradaha ah, gaar ahaan nooca  Shilkaha loo yaqaano iyo qori 107mm Katuusha ah. Qaar ka mid ah Ciidamadeena halkaasi ku sugnaa ma aysan soo bandhigin wax-qabadkii laga filayay waana ay qalqaleen oo argagax ayaa ku dhacay, taas oo keentay inay kala cararaan, Al-Shabaab ayaa ka faa’iideysatay fursadaas iyagoo xeradii cagta mariyay, qalabkii halkaas yaallayna burburiyay”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni sheegay in ciidankoodii ka baxsaday weerarka uu firxadkoodu gaaray saldhigga Golweyn, wuxuuna yiri: “Qaar ka mid ah askarteena waxay u baxsadeen saldhig kale oo aan ku leenahay meel 9 kiiloomitir u jirta Buula-Mareer, Argagixisadu aad ayay u badnaayeen, ilaa 800 ama wax ka badan ayay ahaayeen” ayu hadalkiisa sii raaciyey.

Wuxuu tacsi u diray dadweynaha reer Uganda, kuwaas oo ugu baaqay inay calool adeyg ku qaabilaan musiibadaasi aan laga indha laaban karin. “Waxaa tacsi u dirayaa guud ahaan wadanka Yugaandha iyo ehelada askartii ku dhintay weerarka. Dhacdadan nasiib darrada ah waa in loo adeegsadaa in lagu xasuusiyo dhammaan dadka ay khusayso, in hawlgallada Soomaaliya iyo furumaha kale ka socda ay yihiin hawlgallo dagaal ee aanay ahayn mashaariic gargaar oo aad dhaqaalo uga heleyso Qaramada Midoobay”

Madaxweynaha dalka Uganda, gaal Yuweri Museveni ayaa sheegay inay guddi u saareyn baaritaanka iyo dabagalka xasuuqii ciidankooda ku qabsaday Buula-Mareer, ayna dib kasoo gudbin doonaan khasaaraha iyo faahfaahino dheeraad ah.

Falka dhacay waa fal dembi ku ah qof walba oo ku lug leh, inuu hawlgal noocaas ah usoo diro askar aan diyaarsanayn ama aan ku haboonayn hawshaas ama aan si wanaagsan loosoo diyaarinin.  Faahfaahintu waxay soo bixi doontaa ka dib marka ay guddiga baarista loo xilsaaray ay shaqadooda soo dhamaystiraan markaas oo ay xaqiiqada dhabta soo bixi doonto oo ay ku jirto tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarka” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Dowladda Uganda ayaa shaley shaacisay inay Soomaaliya usoo dirtay wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka Uganda,kuwaas oo qiimeyn doona xaalada ciidankooda ku sugan Soomaaliya iyo weerarkii Buula-Mareer ee lagu xasuuqay ciidankooda, waxaana muuqaneysa inay xukuumada Kampala dareentay halista ku gedeeman ciidankooda ku sugan saldhigyada ku yaalla jiidda hore ee Sh/hoose.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -08-11-1444 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -08-11-1444 Hijri.

Related Stories

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.
  • Allposts
  • Warar

Faahfaahinno Kasoo Baxaya Wasiirkii Difaaca Ee Ay Dileen Mujaahidiinta Nusratul ISlaam.

April 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -10-Dulqicdah-1447-Hijri

April 27, 2026
Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Wararkii U Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Wadahadallada Pakistan.

April 27, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada