Wararka ka imaanaya dhulka soomaaligalbeed ee ku jira gummeysiga dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegaya in markale halkaas uu cadowgu ku xasuuqay dad shacab sacboolay ah.
Maleeshiyaadka murtadiinta ee Liyuu Booliska Xabashida ayaa shalay dad shacab ah ku laayay degmadda Dhannaan ee Gobolka Shabbeelle oo katirsan dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos-jira gumaysiga Xabashida Itoobiya.
Warar horu-dhac ah ayaa xaqiijiyey in hal qof oo ahayd gabar ummul ah ay ku geeriyootay rasaas toogasho ah oo ay ciidamadu ladhaceen shacabka degmada Dhanaan halka 3 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta ay si cadawtinimo ah u fureen maleeshiyaadka Liyuu Booliska ee maamulka maqaar-saarka ah ee Xabashidu ay ka samaysatay Soomaali-galbeed.
Shacab gadoodsan ayaa lagu soo warramayaa in ay isugu soo baxeen tuullada Shiniile iyo degmadda Dhanaan, kuwaas oo si weyn uga hor yimid tacaddiyada foosha xun ee maamulka daba-dhilifka ah ee Mustafe Cagjar iyo maleeshiyaadkiisu ay ka wadaan degaannadaasi.
Xaaladda degmada Dhanaan ayaa si weyn u cakiran, waxaanay wararku tibaaxayaan in maleeshiyaad fara badan lagu daad-gureeyey halkaasi kuwaas oo rasaas nool nool u adeegsanaya shacabka masaakiinta ah ee deggaankaasi ku dhaqan.
Muqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamada murtadiinta Liyuu Booliska oo shacabka tooganaya.meydad iyo dhaawacyo goobta daadsan waxaana adkaa in dhaawacyada si dhaqsi ah goobta looga qaado sababa laxiriira rasaasta dhacaysay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidanka Liyuu Booliska xabashida ay dumarka kufsanayaan islamarkaana ay raafayaan dhalinyarada gaashaan qaadka ah waxayna ula dhaqaaqeen dhanka magaalada Jigjiga, odayaasha deegaanka ayaa waxa ka dhacay ku sifeeyay xasuuq bahalnimo ah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kumanaan maleeshiyaad gurmad ahaan looga diray Jigjiga ay gaareen degmada Dhanaan waxaana laga cabsi qabaa in ay geystaan gabood fallo hor leh.