Maleeshiyo ka tirsanaa maamulka ashahaada ls dirirka ah ee Puntland, kuna qalabaysan gaadiidka dagaalka, ayaa maanta ka baxay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kuwaas oo isku dhiibay kooxda Riddada ah ee uu hoggaamiyo murtad Xassan Gurguurte.
Maleeshiyadaan oo la oran jiray Danab kana mid ah maleeshiyada maamulka uu hoggaamiyo murtad Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka goostay maamulkaasi, waxayna gaareen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo uu ka dhisan yahay maamul Ridda ah oo daacad u ah kooxda Riddada ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho.
Wasaaradda waxay ugu yeeraan gaashaandhigga Riddada, ayaa xaqiijisay in maleeshiyadan ay qayb ka yihiin ciidankeeda, kana soo goosteen Garoowe oo xarun u ah maamulka Deni, soona gaareen magaalada Laascaanood, halkaas oo murtad Xasan Gurguurte uu qorsheynayo in uu socdaal ku tago maalmaha soo socda.
Dhankiisa taliyaha watay maleeshiyadan oo lagu magacaabo Jimcaale, ayaa hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay markii ay soo gaareen Laas-caanood ku sheegay in maleeshiyadiisa ay amarkiisa ku shaqayn doonaan Firdhiye oo ah madaxa maamulka Riddada ee fadhigiisu yahay Laascaanood.
Waxay tani kusoo beegmaysaa xilli khilaafka kooxda Riddada Soomaaliya iyo maamulka ashahaada la dirirka Puntland uu cirka isku sii shareeray, horay na kooxda murtad Xassan Gurguurte u sheeganaysay inay maleeshiyo daacad u ah u joogaan degaannada uu ka arrimiyo maamulka murtad Deni, wallow uu sheegashadaasi iska diiday maamulkaasi.
Maleeshiyadan ku biiray kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa horay mucaarad ugu ahaa Siciid Cabdullaahi Deni, waxayna dagaallo uu dhiig ku daatay kula galeen magaalada Garoowe maleeshiyo daacad u ah Siciid Deni.