Magaallada Minyaabulis ee gobolka Minisoota ayaa hada ah xudunta bananbaxyada, maalinkii sadaxaad oo xiriir ah ayeeyna socdaan dibaxyo.
Dadka Ameerikaanka ah ayaa dalbanaya in ciidamada hay’ada Socdaalka iyo Kastamka ee Trump uu kusoo daadiyay laga saaro sidookalane ay joojiyaan qafaalka iyo jirdilka ay wadaan.
Madaxweynihii hore ee dowlada saliibiyada ah ee Maraykanka Barack Obama ayaa oa hadlayay dhacdooyinkaan ayaa eedeynta dusha maamulka Trump isaga oo yiri:
“Toddobaadyo hadda, dadka dalka oo dhan waxay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo weji-xiran iyo wakiillo kale oo federaal ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku hawlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, lagu kicinayo dadka taasoo khatar gelineysa dadka deggan magaalo weyn oo Mareykan ah,”
Dhankiisa Bill Clinton oo isna madaxweynaha kasoo noqday Maraykanka dabayaaqadii sagaashameeyadii ayaa Trump ku edeeyay qalaasaha wadanka ka taagan isaga dhacdoyinka ku sifeeyay kuwa aan la aqbali karin oo laga baaqsan jiray.