Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Khasaare Nafeed iyo Mid Hantiyeed Oo Ka Dhashay Duufaano Ku Duftay Gudaha Mareykanka [Akhriso].
  • Allposts
  • Warar

Khasaare Nafeed iyo Mid Hantiyeed Oo Ka Dhashay Duufaano Ku Duftay Gudaha Mareykanka [Akhriso].

January 26, 2026

Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya ay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay duufaan xooggan oo ku dhuftay magaalooyin ka tirsan dalkaasi.

Duufaantan oo loogu magacdaray Fyrn ayaa sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyeed, joojinta duulimaadyada, iyo xaalad degdeg ah oo loogu dhawaaqay 20 gobol iyo magaalada Washington oo ah caasimada dalkaasi.

War kasoo baxay Booliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in gabar 16 jir ah ay ku dhimatay shil ka dhashay barafka oo ka dhacay Frisco, halka gabar kalena ay si halis ugu dhaawacantay.

Mas’uuliyiinta caafimaadku waxay ka digeen in heerkulka hooseeya ee hawada ee ay la socdaan barafka uu sii xumeyn doono xaaladda maalmaha soo socda.

Maamulada ka jira gudaha Mareykanka ayaa ugu baaqay shacabka Amerikaanka in aysan kasoo bixin guryahooda inta ay socdaan duufaanada iyo dabeylaha xoogan.

Sidoo kale waxaa la hakiyay duulimaadyadii qaar ka mid ah garoomada waaweyn ee Mareykanka.

Xafiisyada Ronald Reagan ee Waqooyi Virginia ayaa gabi ahaanba la xiray, halka garoomo kale sida New York, Philadelphia, iyo Charlotte ay joojiyeen ugu yaraan 80% duulimaadyadooda maalintii Axadda.

Waxaa la sheegay in in ka badan 11,000 oo duulimaad gudaha Maraykanka lagu kansalay Axadda, iyadoo 4,000 kalena la joojiyay maalintii ka horreysay.

Korontadu ayaa si weyn uga go’day meelo badan oo koonfurta Maraykanka ah, iyadoo barafka iyo roobabka barafka wata ay jebiyeen laamaha geedaha iyo xariijimaha korontada.

In ka badan hal milyan oo guri iyo ganacsi ayey ka go’een adeegyadii korantada, kuwaas oo ku kala yaal 8 gobol, iyadoo Tennessee ay ahayd gobolka ugu daran.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in khatarta duufaanta ay tahay mid sii socon karta, iyaga oo ka digay in cimilada qabow ee daran ay sababi karto dhaawac ka dhasha barafka iyo xaaladaha halista ah ee wadooyinka.

Waxaa la sheegay in heerkulka qaarkood uu gaari karo heerar aad u hooseeya oo halis ah, gaar ahaan gobollada sare ee waqooyiga iyo Galbeedka Dhexe.

Duufaantan ayaa ka dhalatay xaalad cimilada ah oo heerkuulku aad uhooseeyo, taasoo ah hawada aadka u qabow ee ka timaadda Arctic-ka oo mararka qaar u gudubta gobollada baaxadda leh ee Maraykanka.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Maraykanka oo wajahaya qalalaase xoogan oo gudaha ah iyo kacdoonada ka dhanka ah Trump oo cirka isku sii shareeraya [Warbixin]
Next: 19 Sano Kadib Uganda Oo Ku Dhawaaqday In Ciidamadeeda Si Buuxda Ugala Baxayso Soomaaliya [Warbixin].

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.

September 13, 2026
Jeneraal Katirsanaa Xukuumadda Yemen Oo La Sheegay In Uu Ubaxsaday Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

Jeneraal Katirsanaa Xukuumadda Yemen Oo La Sheegay In Uu Ubaxsaday Soomaaliya.

September 13, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-04-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-04-1448-Hijri.

September 13, 2026

Sawirro

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada