Waxaa faraha kasii baxday xaaladda ay ku suganyihiin Soomaalida ku dhaqan waddanka Maraykanka, kaddib go’aankii uu Trump meesha uga saaray qaraarkii diidayay in la tarxiilo Soomaalida.
Cabsida haysata Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota waxay keentay inay xirmaan masaajidda jaaliyadda Soomaalida ee kuyaal gobolkaasi, kaddib weerarada joogtada ah ee dadka muslimiinta ah uga imaanayay ciidamada socdaalka Maraykanka ee uu Trump kusoo daadiyay gobolkaasi.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay masaajiddo caan ah oo inta badan ay jaaliyadda Soomaalidu ku cibaadeysan jireen oo noqday kuwa haawanaya kuna dhow inay xirmaan, kaddib markii ay kordheen weerarada ciidamada socdaalka saliibiyiinta Maraykanka ku hayaan dadka muslimiinta.
Jamaacada masaajidda ayaa si la mid ah Soomaalida kale waxaa lasoo wariyay inay ku negaadeen guryahooda, cabsi ay ka qabaan in la qab-qabto oo xabsiga loo taxaabo, maadaama ciidamo kala duwan oo u badan kuwa socdaalka lasoo dhoobay xaafadaha ay Soomaalidu ku badan tahay.
Mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in si la mid ah suuqyada ganacsi ay masaajidda iyo dugsiyada u saameysay hanjabaaddii Trump, wuxuu sheegay inay aad u yaraadeen jamaacada masaajidda ku tukan jirtay.
Soomaalidu waxay wadaan isku soo baxyo ka dhan ah beegsiga gaarka ah ee lagu hayo, ciidamada Maraykanku waxay si isku mid ah u xirayaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkaasi, maadaama uu Turmp ku tilmaamay kuwa qashin ah, uuna doonayn inay dalkiisa sii joogaan.