Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Masuuliyiin Axmaaro Ah Oo Lagu Dilay Waqooyiga Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Masuuliyiin Axmaaro Ah Oo Lagu Dilay Waqooyiga Itoobiya.

May 1, 2024

Wararka ka imaanaya waddanka Itoobiya, ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo ay fuliyeen kooxo aan haybtooda la aqoon lagu dilay masuuliyiin ka tirsan ismaamulka Axmaarada ee dhaca waqooyiga dalka Itoobiya.

Weerarka oo u muuqday mid si wayn loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday, laguna dilay gudoomiyihii degmada Lasta ugu magacownaa ismaamulka Amhara, Getachew Mulse iyo Million Afewerk oo ah madaxa xafiiska caafimaadka ee degmadaasi.

Ilo wareedyo ku sugan gobolka ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in kooxo hubeysan ay dhexda u galeen masuuliyiinta, xilli ay kasoo noqdeen shir ka dhacay magaalada Woldia ee xarunta gobolka Woqooyiga Wolo ee ismaamulka Amhara.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay maqlayeen rassaasta lagu dilay masuuliyiintan ka tirsan ismaamulka Axmaarada, goobta lagu helay saraakiishan ayay ilo wareedyadu ku sheegeen meel u dhow magaalada Kulmusk oo aan ka fogeyn Lalibela, Qaar kale oo ka mid ah goobjoogeyaasha dhacdada ayaa sheegay in mas’uuliyiintan ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka ay si wada jir ah u wada socdeen.

Laba ilo wareed ayaa warbaainta deegaanka u sheegay in saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo masuuliyiintan la dilay la socoday ay safarkii hakiyeen, kaas oo ay ku tagi lahaayeen magaalada Lalibela, waxaana ay dib u laabteen oo ay ku nagaadeen magaalada Kulmusk oo duleedka uu weerarku ka dhacay.

Goobjooge kale oo ka shaqeeya xarunta maamulka degmada oo magaciisa qariyay ayaa warbaahinta maxalliga ah u xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay 2 guddoomiye degmo iyo sidoo kale madaxii caafimaadka ee degmada Lasta, isagoo tilmaamay in uu arkay warqad tacsi oo lagu dhajiyay dhismaha xafiisyada maamulka degmada, kuwaas oo lagu sheegay in uu geeriyooday madaxii xafiiska caafimaadka degmada Ato Million Afewerk.

Dadka Itoobiyaanka ah ee isticmaala barta X, waxay sheegeen in weerarkaasi ay ka dambeysay Fano, oo ah jabhad hubeysan oo kacdoon millatari kula jirta dowladda Itoobiya ee uu ra’iisul wasaaraha u yahay Abiy Axmed, inkastoo aysan jirin sheegasho rasmi ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -22-10-1445 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -22-10-1445 Hijri.

Related Stories

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -11-12-1446 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -11-12-1446 Hijri.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 15 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 15 aad)

June 4, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 14 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 14 aad)

May 31, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 13 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 13 aad)

May 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 12 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 12 aad)

May 24, 2025

Sawirro

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.

April 17, 2025
Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.

April 16, 2025
Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.

April 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada