Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Masuuliyiin Axmaaro Ah Oo Lagu Dilay Waqooyiga Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Masuuliyiin Axmaaro Ah Oo Lagu Dilay Waqooyiga Itoobiya.

May 1, 2024

Wararka ka imaanaya waddanka Itoobiya, ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo ay fuliyeen kooxo aan haybtooda la aqoon lagu dilay masuuliyiin ka tirsan ismaamulka Axmaarada ee dhaca waqooyiga dalka Itoobiya.

Weerarka oo u muuqday mid si wayn loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday, laguna dilay gudoomiyihii degmada Lasta ugu magacownaa ismaamulka Amhara, Getachew Mulse iyo Million Afewerk oo ah madaxa xafiiska caafimaadka ee degmadaasi.

Ilo wareedyo ku sugan gobolka ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in kooxo hubeysan ay dhexda u galeen masuuliyiinta, xilli ay kasoo noqdeen shir ka dhacay magaalada Woldia ee xarunta gobolka Woqooyiga Wolo ee ismaamulka Amhara.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay inay maqlayeen rassaasta lagu dilay masuuliyiintan ka tirsan ismaamulka Axmaarada, goobta lagu helay saraakiishan ayay ilo wareedyadu ku sheegeen meel u dhow magaalada Kulmusk oo aan ka fogeyn Lalibela, Qaar kale oo ka mid ah goobjoogeyaasha dhacdada ayaa sheegay in mas’uuliyiintan ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka ay si wada jir ah u wada socdeen.

Laba ilo wareed ayaa warbaainta deegaanka u sheegay in saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo masuuliyiintan la dilay la socoday ay safarkii hakiyeen, kaas oo ay ku tagi lahaayeen magaalada Lalibela, waxaana ay dib u laabteen oo ay ku nagaadeen magaalada Kulmusk oo duleedka uu weerarku ka dhacay.

Goobjooge kale oo ka shaqeeya xarunta maamulka degmada oo magaciisa qariyay ayaa warbaahinta maxalliga ah u xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay 2 guddoomiye degmo iyo sidoo kale madaxii caafimaadka ee degmada Lasta, isagoo tilmaamay in uu arkay warqad tacsi oo lagu dhajiyay dhismaha xafiisyada maamulka degmada, kuwaas oo lagu sheegay in uu geeriyooday madaxii xafiiska caafimaadka degmada Ato Million Afewerk.

Dadka Itoobiyaanka ah ee isticmaala barta X, waxay sheegeen in weerarkaasi ay ka dambeysay Fano, oo ah jabhad hubeysan oo kacdoon millatari kula jirta dowladda Itoobiya ee uu ra’iisul wasaaraha u yahay Abiy Axmed, inkastoo aysan jirin sheegasho rasmi ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -22-10-1445 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -22-10-1445 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-Rabiicu-Thaanii-1448-Hijri.

September 13, 2026
Jeneraal Katirsanaa Xukuumadda Yemen Oo La Sheegay In Uu Ubaxsaday Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

Jeneraal Katirsanaa Xukuumadda Yemen Oo La Sheegay In Uu Ubaxsaday Soomaaliya.

September 13, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-04-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 02-04-1448-Hijri.

September 13, 2026

Sawirro

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada