Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maydadka 78 Macdan-qodeyaal Ah Oo Laga Soo Saaray God Kuyaal Koonfur Afrika.
  • Allposts
  • Warar

Maydadka 78 Macdan-qodeyaal Ah Oo Laga Soo Saaray God Kuyaal Koonfur Afrika.

January 15, 2025

Warar kala duwan oo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya dhacdo si wayn looga hadal hayo dalka Koonfur Afrika, kaddib markii lasoo wariyay inay dhinteen ugu yaraan 100 xubnood oo macdan qodeyaal ah.

Dhacdada ayaa timid, kaddib markii dowladda Koonfur Afrika muddo hadda laga joogo laba bilood ka hor ay sahayda ka jartay kooxo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah ku guranayeen macdan ku jirta god kuyaal deegaan lagu magacaabo Stilfontein.

Go’doominta dhanka cuntada iyo biyaha ee ay dowlada Koonfur Afrika kusoo rogtay macdan qodeyaasha ayaa keentay in gaajo iyo haraad ay halkaas ugu dhex dhintaan ugu yaraan 100 xubnood, kuwaas oo 78 ka mida maydadkoda maanta lasoo saaray, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

Booliska ayaa shaaciyay in lasoo saaray maydadka 78 xubnood iyo 160 kale oo nool, balse ay ka muuqdeen daal iyo tabar yari, maadaama ku dhawaad laba bilood aysan helin cunto iyo biyo ku filan, taasina ay keentay inay godka ku xayirnaadaan.

Dowladda Koonfur Afrika waxay ku doodday in macdan-qodeyaasha ay ka dhaga adeegeen amarkeeda oo ahaa inay booliska isku dhiibeen, maadaama ay ku eedaynayso inay si sharci darro ah ku qodanayeen macdanta dahabka, waxayna taasi keentay inay ka jarto cuntada iyo biyaha bishii November ee sannadkii tagay 2024-kii.

Gurmadka hadda socda ayaa yimid kaddib amar kasoo baxay maxkamadda dalkaasi, waxayna ilo wareedyo sheegeen in mid ka mida dadka ay dowladda Koonfur Afrika ku go’doomisay godka uu xiriir la sameeyay ehelkiisa, kuwaas oo codsaday in gurmad looga baahan yahay aaggaasi, waxay wararku intaas ku dareen in samatabixintu qaadan karto maalmo dheeraad ah.

Godkan ayaa dhulka hoostiisa qodan qiyaastii 2km ama (1.5 mayl), waxaana la rumeysan yahay inay dhulka hoostiisa ku go’doonsanyihiin dad hor leh, Ap waxay sheegtay in kooxaha samatabixintu ay mid mid usoo saarayaan dadka halkaas ku go’doonsan iyo sidoo kale maydadka, sababo la xiriira ciriiriga ka jira godka.

Kooxaha sheegta inay u doodaan xuquuqda aadanaha waxay eedaymo culus u jeediyeen dowladda Koonfur Afrika, waxayna sheegeen inay ka dambeysay geerida dadka la xaqiijiyay, maadaama ay cuntada iyo biyaha ka jartay, si ay usoo baxaan, xukuumaddu waxay dhankeeda ku andacooneysay in macdan-qodeyaashu awoodeen inay godad kale kasoo bixi kareen balse ay dhagaha ka fureysteen baaqyadeeda, cabsi ay ka qabaan xarigga.

Booliska ayaa sheegay in dhammaan dadkii horay usoo baxay iyo kuwa dib laga soo saaray ay gacanta ku hayaan, waxay sidoo kale intaas ku dareen in ay gacanta ku dhigeen Dahab, Walxo qarxa, hub iyo lacag dhan 2 Milyan oo dollar oo ay haysteen macdan qodeyaashu.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -15-07-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-07-1446-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -14-11-1446-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -14-11-1446-Hijri.

May 12, 2025
Askari Ka Tirsan Maleeshiyada Danab Oo Lagu Dilay Fagaare Kuyaal Buq’Aqable.
  • Allposts
  • Warar

Askari Ka Tirsan Maleeshiyada Danab Oo Lagu Dilay Fagaare Kuyaal Buq’Aqable.

May 12, 2025
Wasiir Ka Tirsan ‘K/galbeed’ Oo Sheegay In Muqdisho Laga Abaabulayo Kacdoon Ka Dhan Ah Maamulkooda.
  • Allposts
  • Warar

Wasiir Ka Tirsan ‘K/galbeed’ Oo Sheegay In Muqdisho Laga Abaabulayo Kacdoon Ka Dhan Ah Maamulkooda.

May 11, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 7aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 7aad)

May 11, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 6aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 6aad)

May 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 5aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 5aad)

May 8, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 4aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 4aad)

May 6, 2025

Sawirro

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.

April 17, 2025
Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.

April 16, 2025
Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.

April 16, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.

April 16, 2025
Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.

April 10, 2025
Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.

April 1, 2025
Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.

March 31, 2025
Daawo+Dhagayso: Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Degmada Jilib Jubbada Dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo+Dhagayso: Hidaha Iyo Dhaqanka Soomaalida Degmada Jilib Jubbada Dhexe.

March 30, 2025
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Hiiraan, Baay Iyo Bakool.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Hiiraan, Baay Iyo Bakool.

March 30, 2025
Daawo Sida Looga Debaal-degay Munaasabadda Ciidda Jubbada Hoose Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Debaal-degay Munaasabadda Ciidda Jubbada Hoose Iyo Gedo.

March 30, 2025
Daawo Degmada Awdheegle Iyo Magaalada Kuunya-barrow Oo Si Cajiib Ah Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Degmada Awdheegle Iyo Magaalada Kuunya-barrow Oo Si Cajiib Ah Looga Ciiday.

March 30, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada