Kulan qaab fogaan arag ah u dhacay oo ay yeesheen xubnaha waxa loogu yeero golaha nabadda iyo ammaanka midowga gaalada Africa, ayaa looga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo mustaqablka howlgalka ashahaada la dirirka ah ee ay saliibiyiintu kaga jiraan Soomaaliya ee AUSSOM.
Kulankaani Online-ka ah oo ah kalfadhiga 1287-aad ee golaha nabadda iyo ammaanka midowga Africa oo ay shir guddoomisay dowladda saliibiyadda Uganda, ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sar sare oo ka kala socday midowga gaalada Afrika, urur gaaleedka Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga gaalada Yurub iyo waddamo kale oo qayb ka ah Midowga Afrika.
General Abubakar Jeje Odongo, oo ah wasiirka arrimaha debadda ee Uganda oo daahfuray kulanka ayaa soo hadal-qaaday dhacadadii shilka ahayd ee ay dhowaan galeen ciidamadiisa ee ka dhacday xerada Xalane ee caasimadda Muqdisho, halkaas oo uu sheegay inay ku geeriyoodeen ilaa shan xubnood oo ka tirsan ciidamadiisa Uganda.
Dhinacyada shirka figaan aragga uga qaybgalay ayaa si isku mid ah walaac uga muujiyay halista joogtada ah ee ay mujaahidiinta Al-shabaab ku yihiin kooxda Riddada Somalia iyo ciidamada saliibiyiinta ee duullaanka ku jooga waddanka.
Golaha ayaa dhanka kale ka dooday caqabadaha dhaqaale ee ku hor-gudban howlgalka saliibiga ee AUSSOM, inkastoo aysan xitaa helin ballanqaad la isku hallayn karo, waxay haddana soo soo jeediyeen in la kordhiyo miisaaniyadda xarunta waxay ugu yeeraan kaydka qalalaasaha Midowga Afrika, taasi oo ay soo bandhigeen in la gaarsiiyo $20 milyan sanadkan hadda socda ee 2025.
Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli shirar horay u dhacay oo heer caalami ah ay fashilmeen, kuwaas oo dhaqaale loogu raadinayay isbahaysiga kuffaarta Afrikaanta ee AUSSOM loogu yeero, waxaana maalgelinta ibahaysigan si cad isaga diiday Maraykanka, halka midowga Yurubna uu horay u sheegay in uusan keli ku noqon karin maalgelinta isbahaysigaasi.