Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalladii cuslaa ee maanta ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan, halkaas oo si wayn loogu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta.
Khasaaraha dhimasho ee maleeshiyaadka murtadiinta kasoo gaaray dagaalladaas waxay gaareen 15 murtadiin ah, oo 12 ka mid ah ay murtadiintu meydadkooda kaga carareen goobta dagaalka, halka dhaawacana uu gaaray ilaa 25 kale oo murtadiin ah, waxaana goobihii lagu dagaallamay gacanta ku haya ciidamada mujaahidiinta.
Waxaanu helnay magacyada qaar ka mid ah murtadiinta lagu dilay dagaalladii cuslaa ee maanta ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee bariga wilaayada Hiiraan, waxaana ka mid ahaa, Muumin Nuurshe Maxamed Cabdulle, Aadan Ibraahim Fidhig (Ilbir), Xasan Abiikar Aadan, Xasan Taakaay-waa sarkaal waana dhintay, Cabdullaahi Muumin Dhaladheere iyo Axmed Muumin Cilmi Iidow.