Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Millatariga Sudan Oo Shaaciyay Inay RSF Ka Saareen Guud Ahaan Gobolka Khartum.
  • Allposts
  • Warar

Millatariga Sudan Oo Shaaciyay Inay RSF Ka Saareen Guud Ahaan Gobolka Khartum.

May 20, 2025

Taliska ciidanka millatariga Suudaan ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay gacanta ku dhigeen guud ahaan gobolka Khartuum oo bilooyinkii lasoo dhaafay ay kula dirirayeen fallaagada uu Imaaraadku taageero ee RSF.

Afhayeenka ciidamada Suudaan, Nabiil Cabdullaahi Cali, oo akhrinayay bayaan kasoo baxay taliska ciidankiisa, ayaa sheegay in maleeshiyada Dacmu-sariic ay ka saareen gebi ahaanba magaalooyinka saddexda ah ee la isku dhaho gobolka Khartuum, gobolkana uu si dhamaysiran ugu soo dhacay gacantooda.

Bayaanka kasoo baxay ciidanka Suudaan ayaa nuqul ka mid ah waxaa lagu yiri “Waxaan maanta si rasmi ah ugu dhawaaqaynaa in wilaayada Khartum si buuxda looga sifeeyey joogitaanka maleeshiyada Doglo, isla markaana caasimaddeenna qaran laga nadiifiyey wasakhda fallaagada iyo kuwa taageersan,”, bayaanka oo sii socda waxaa lasii raaciyay :Waxaan xaqiijineynaa in gobolka Khartum uu noqday mid gebi ahaanba ka maran fallaagada.”.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay ciidamada dowlada dabadhilifka ee Suudaan ayaa kusoo beegmaya xilli maanta isla taliskaan uu shaaciyay in ciidankooda ka taqadumayeen koonfurta iyo galbeedka Umu-durmaan.

La wareegitaanka gobolka Khartum ee ciidamada millatariga ayaa ka dhigan guul kale oo usoo hoyaray ciidamada Suudaan iyo jab xoog leh oo la gaarsiiyay maleeshiyada uu Imaaraadku baritaaro ee Janjawiidka, kuwaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay noqday kuwa guul-darro u joog ah oo laga saaray gobollo iyo magaalooyin badan.

Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii caasimadda Khartum sida madaxtooyada iyo taliska ciidamada laga saaray maleeshiyadan, gobolkan Khartum ayaa ka kooban saddex magaalo oo wayn sida Khartum oo ah magaalo madaxda iyo Umu-durmaan iyo Khartum Baxri.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -22-11-1446 Hijri.
Next: Akhriso Faahfaahinta Madaafiicda Lagu Garaacay Xalane Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-06-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-06-1447-Hijri.

November 30, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-06-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -09-06-1447 Hijri.

November 30, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -09-06-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -09-06-1447 Hijri.

November 30, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 41 aad)

November 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 40 aad)

November 17, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 39 aad)

November 10, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 38 aad)

November 1, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Furashada Mujaahidiinta Ee Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 320 Qof Oo Roobab Mahiigaan Ah Ugu Dhintay Pakistan.

August 17, 2025
Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada