Shir magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxda urur siyaasadeedyada mucaaradka ku ah murtad Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa laga soo saaray warsaxaafadeed ka dhan ah qorshaha doorasho ee madaxda kooxda Riddada Soomaaliya.
Urur siyaasadeedyada mucaaradka ayaa warka ay soo saardeen ku muujiyay inay si adag u diidanyihiin nidaamka doorashada ee uu wato madaxa Riddada murtad Gurguurte, waxayna sharci darro ku tilmaameen guddigaasi doorasho ee uu sameystay Gurguurte.
Waxay sidoo kale mucaaradka ku goodiyeen inay qabsan doonaan doorasho iyaga u gaar ah, haddii uusan madaxa dowladda Riddada ka laaban guddiga doorasho ee uu samaystay.
Murtad Xassan Gurguurte ayay ku eedeeyeen in uu awoodda kooxda Riddada isagu isku koobay, isla markaana uusan aqoonsanayn ururada siyaasadda ee kooxda Riddada Soomaaliya.
Waxay sidoo kale mucaaradka sheegeen in hayadaha ammaanka Riddada ay ku dhexmilmeen arrimaha siyaasadda, waxayna madaxda kooxda Riddada ah ku eedeeyeen in hayadahaasi u adeegsadaan arrimo siyaasadeed.
Boobka hantida danta guud iyo barakicinta shacabka ee Muqdisho ka socdo ayay sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradku ka hadleen, taasi oo ay sheegeen in uu korkacayo madaxa kooxda Riddada ah, waxay sheegeen in ganacsiga caasimadda uu ka dhaqaaqi waayay baadda xad-dhaaf ah ee dadka rayidka ah lagu soo rogay, kaasoo keenay in suuqa ugu wayn Somalia ee Bakaaraha uu xirmo dhowr maalmood.
Waxay si adag u cambaareeyeen xarig loo gaystay ganacsato Soomaaliyeed oo diiday bixinta lacago baad dheeraad ah oo lagu soo rogay, waxay dhanka kale sheegeen in ganacsatadu la kulmaan cabsi gelin joogta ah oo kaga imaanaysa murtadiinta.