Wararka ka imaanaya Sh/hoose, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan murtazaqada Riddada Bangarafta ee hoos-taga dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanka ay weerar habeen-dheelmad ah ku qaadeen tuulo dad beeraley ah ay ku noolyihiin oo lagu magacaabo Danniga Daallow oo dhacda inta u dhaxaysa degaanka Basra iyo degmada Afgooye ee wilaayada Sh/hoose.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa warbaahinta islaamiga ah u xaqiijiyay inay dhibaato badan kala kulmeen weerarka ay soo qaadeen maleeshiyada murtadiinta ee murtazaqaa u ah saliibiyiinta Maraykanka, kuwaas oo tuuladaasi dilal iyo dhaawac ugu gaystay lix qof oo shacab ah.
Ugu yaraan ilaa saddex qof oo shacab ah ayay dileen maleeshiyadan, kuwaas oo laba mid ah ay ahaayeen ilmo yaryar, sida ay soo sheegeen dadka deegaanku, halka qofka seddaxaadna lagu sheegay in uu ahaa wiil da’da qaangaarka ka gudbay.
Sidoo ksle, waxay dadka deegaanku xaqiijiyeen in dadka ay dhaawaceen maleeshiyada murtazaqada Maraykanka ee Danab ay laba kamid ah yihiin haween, halka midka saddexaad na uu yahay rag, waxaana lagu hawlan yahay xilligan aaska shuhadada dadka rayidka ah.