Qarax khasaara dhaliyay ayaa ka dhacay gudaha Degmada Buulo Burte ee Wilaayada Hiiraan ee Bartamaha Dalka Somalia.
Qaraxan ayaa lala beegsaday Maleeshiyaat ka tirsan Maamulka Gaala raaca Hirshabeelle oo goob ku wada qayyilayay, Iyadoo dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.
Qaraxan waxaa ku dhintay Hal askari waxaa ku dhaawacmay Labo askari kuwaasi oo la xaqiijiyay iney dhaawacyadooda culusyihiin.
Degmada Buulo Burte ayaa ka mid ah Goobaha Ciidamada Murtadiinta Jabuuti iyo Kooxda Ridada Somalia duulaanka kaga suganyihiin Wilaayada Hiiraan.
Calamada.com