Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Qof Kasoo Jeeda Soomaaliya Oo Lagu Dilay Suudaanta Koonfureed.
  • Allposts
  • Warar

Qof Kasoo Jeeda Soomaaliya Oo Lagu Dilay Suudaanta Koonfureed.

May 6, 2025

Wararka ka imaanaya dalka Suudaanta Koonfureed ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dhexda u galeen kolonyo gaadiid ah oo ku socdaalayay mid ka mid ah marinnada muhiimka ah ee la isaga kala goosha gobollada dalkaasi, halkaas oo ay ku badanyihiin dilalka, dhaca dadweyne iyo afduubka ay ka gaystaan kooxahaasi.

Warbaahinta maxalliga ah ee South Sudan ayaa sheegtay in mid ka mid ah weeraradaasi lagu beegsaday gaari uu watay qof kasoo jeeda Somalia, kaas oo ay sheegtay in isla goobta lagu dilay, halka la gubay gaarigii uu watay.

Afhayeen u hadlay ciidanka loogu yeero difaaca dadweynaha ee South Sudan ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday qofka kasoo jeeda Soomaaliya uu dhacay toddobaadkii hore, qaybna uu ka yahay weeraro uu ku eedeeyay inay ka dambeeyaan mucaaradka hubeysan.

Afhayeenka ayaa sheegay in maleeshiyada mucaaradku ka dambeeyeen ilaa laba weerar oo ka dhacay waddada muhiimka ah ee Juba-Terekeka, kuwaas oo uu tilmaamay inay sababeen dhimashada dad ku safayay jidkaasi dheer iyo afduubka dad kale.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Lul Ruai Koang ayaa qayb ka mida warkiisa ku yiri “Gaariga ayaa si lama filaan ah loo weeraray kadibna waa la gubay. Nasiib darro, waxaana taasi ka dhashay in hal qof Soomaali ah uu ku dhinto weerarka,” ayuu yiri.

Suudaanta Koonfureed waxay ka mid tahay waddamada qaaradda Africa ee ay ka shaqaystaan bulshooyinka Soomaaliyeed, waxayna qayb ka noqdaan ganacsatada dilalka iyo afduubka loogu gaysto dalkan, maadaama waddada lagu dilay qofka kasoo jeeda Somalia ay aad ugu badan yihiin kiisaska dhaca iyo dilalka ka dhanka ah socotada iyo ganacsatada.

Dhanka kale isagoo sii hadlayay ayuu sarkaalkan intaas ku daray in kooxaha mucaaradka ay sidoo kale beegsadeen gaari ganacsi oo ay saarnayd 30-tan, kaasi oo kusii jeeday dhanka degmada Gok-Machar ee dhacda gobolka Aweil North, wuxuu dhanka kale ka dhawaajiyay in kooxdan fulisay weerar kale oo ay ku beegsatay gaari siday lix qof, kuwaas oo ay afduubteen, dableyda ayuu tilmaamay inay dadka u kaxeeyeen dhanka saldhigga ay leeyihiin.

Ilaa 4 qof ayuu sheegay inay soo badbaadiyeen kaddib howlgal ay aaggaas ka sameeyeen, dadka la helay ayuu sheegay inay u kala dhasheen hal qof oo kasoo jeeda dalkiisa South Sudan, halka saddexda kalena ay kasoo jeedaan dalka ay jaarka yihiin ee Suudaan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -08-11-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -09-11-1446-Hijri.

Related Stories

Dowladda Itoobiya Oo Walaac Ka Muujisay Awoodda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
  • Allposts
  • Warar

Dowladda Itoobiya Oo Walaac Ka Muujisay Awoodda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

June 21, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-12-1446 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-12-1446 Hijri.

June 21, 2025
Maamulka Trump Oo Si Dhamaystiran U Kala Diray Shaqaalaha Warbaahinno Waaweyn.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Trump Oo Si Dhamaystiran U Kala Diray Shaqaalaha Warbaahinno Waaweyn.

June 21, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)

June 16, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)

June 12, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 16 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 16 aad)

June 9, 2025

Sawirro

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.

April 17, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada