Dowladda Kenya ayaa billowday mashruuc ka dhan ah dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolada Gedo iyo Jubada Hoose, kaasoo ah iney miinooyin u dhigto wadooyinka si ay khasaare uga soo gaarto.
Xog lagu kalsoon yahay oo ay Idaacadda Al-furqaan ka heshay dad indheer garad ah iyo sarkaal DF ka tirsan ayaa sheegeysa in todobaadkan oo kaliya ay sadax goor miinooyin la keceen dad iyo xoolahooda iyo kuwa kale oo gaadiid ku safrayay.
Kenyaanka ayaa miinooyin ku daadiyay wadooyinka ay isticmaalaan iyo kuwa kale oo ay ku yimaadaan diyaaro nooca qumaatiga u kaca ah kadibna qarax ku duugaan.
Miinooyinkan ayaa ah kuwa ka duwan noocyada macmalka ah ee la farsameeyo, waana kuwa casriyeysan, waxaana ay ku qarxaan culeyska, xataa haddii uu neef ari ah ku istaago waa ay qarxayaan.
Maanta waxay gaari rakaab ah kula qaraxday duleedka Dhoobley oo ka tirsan Jubbada Hoose waxaana ku dhintay ugu yaraan sadax qof, dorraad waxay baadiyaha Ceelwaaq gaar ahaan meel waddo ah kula qaraxday Geel iyadoo labo kamid ah dadkii waday ay ku dhaawacmeen.
Intaa waxaa dheer oo caawa nasoo gaaraya in qeybo kamid ah Gedo ay miino kale kula kacday gaari rakaab ah taasoo aanan wali faahfaahin dheeraad ah ka helin.
Isaaq Xuseyn Mursal oo kamid ah Saraakiisha DF ayaa waxa uu sheegay in Kenya ay waayahanba wadday mashruucan ah iney wadooyinka miineyso, wuxuuna sheegay iney hayaan caddeyn ku aadan arrintan, dowladduna la xisaabtami doonto.
Dhacdadii Dhoobley iyo tii baadiyaha Ceelwaaqba wuxuu ku eedeeyay dowladda Kenya. Kenya ayaa horey gobolka Gedo ugu gumaaday dad iyo xoolo intaba, waxaana ay haatan usoo caga dhigatay bulshada gaar ahaan dadka socotada ah iyo xoolahooda.
Dadka qaar ayaa sheegaya in Kenya ay arrintan uga jawaabayso culeyska xooggan ee ku haysta degaanada ay qabsatay, dhanka kalana ay ku xumeeneyso dowladda federaalka ah oo uu khilaaf adagi kala dhaxeeyo, halka dad kale ay qabaan iney dooneyso iney Al-Shabaab sumcadda uga disho.
Horey waxay dowladda Kenya si bareer ah u burburisay xarumo badan oo ay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ah ku lahayd Gedo iyo Jubada Hoose, mana jirin wax war ah oo ay arrimahaasi ka yiraahdeen hey’adaha sheegta xuquuqda aadanaha, halka marka ay dalka Kenya wax ka dhacaan ay cambaareeyaan.
Halkan Ka Degso Wareysiga Sarkaal Isaaq Xuseyn Mursal