Dowladda Mareykanka ayaa faafisay macluumaadka shakhsiyadeed ee mid kamida askartii looga dilay weerarkii aadka uxooganaa ee Axaddii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Lamu ee dalka Kenya.
Baraha Bulshada ayaa lagu faafiyay sawirka iyo magaca askarigii labaad oo kamid ahaa askartii Americanka ahaa ee lagu dilay weerarkii ka dhacay saldhigga Simba Camp ee gobolka Lamud.
Guddoomiyaha gobolka Arizona ayaa xaqiijiyay in askartii weerarka lagu dilay uu kamid ahaa Dustin Harrison oo ahaa duuliye katirsanaa ciidamada Cirka Mareykanka islamarkaana muddo sanada ah kusoo jiray howsha ciidanimo.
Dustin Harrison oo 47 sana jir ahaa wuxuu u shaqeynayay wasaaradda difaaca Mareykanka ee lagu magacaabo Pentagon, xaaska uu ka dhintay sarkaalkan ayaa qoraal kooban oo ay kusoo qortay barteeda Facebook waxay ku sheegtay in ay nolosha ka quusatay maadaama ladilay saygeedi.
Doug Ducey oo ah xaakimka gobolka Arizona oo ka hadlayay dhimashada Dustin Harrison ayaa sheegay in ay waayeen sarkaal dhankooda qaali ku ahaa “Arizona waxay ka tacsiyaynaysaa weynta Dustin Harrison waxaa ladilay isagoo ku guda jiray taageeridda umaddeena Kenya,Dustin Harrison waligiis wuxuu u adeegayay wadankeena” ayuu yiri Doug Ducey.
Saraakiil Howlgab American ah iyo askar ay islasoo shaqeeyeen duuliyahaan ayaa walaac ka muujiyay dhimashada sarkaalkan iyo askartii kale ee lagu dilay weerarkii weynaa ee Al Shabaab ku qaadday saldhigga Simba Camp ee gobolka Lamu.
Warbaahinta Mareykanka waxay qirtay in weerarka lagu burburiyay diyaarado casri ah iyo gaadiid gaashaaman, Xarakada Al Shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay weerarka ku dishay 17 askari halka taliska ciidanka Mareykanka uu qirtay dhimashada sedax askari oo qura
Hadaad Eygaa tawdeen
Amuu tacsi diro camiil
Amaad dusha maal dhay daan
Amaad qarisaan jabkiyo
Ducaanu u diri shabaab
Inay daqarada badshaan
Inay dulmigaad gasheen
Doraato ka aar gudaan
Ilaah daryeeli iyo
Dawiyo nabad waad gafteen
Dariiq olalaaya iyo
Dabaad abid kiin gashaan
Abagase firdawsa iyo
Daartii Eebaanu gali
Dariiqase waa u furan
Dambiga hadii aad dibuga baxdaan
Hadii kale olol gubiyo
Aakhiro naar inadu sugi
Ilaahay noo cadee
Islaamnimo waxan ahayn
Amniyo nabad laguma helo