Ciidamada guutooyinka madaafiicda Shabaabul Mujaahidiin, waxay madaafiic ku garaaceen Airport-ka degmada Waajid ee wilaayada Bakool, xilli ay halkaas ka degeysay diyaarad uu la socday wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee kooxda Riddada Soomaaliya murtad Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Wasiir Tiktok).
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta howlgal qorsheysan ka fuliyeen xaafadda Daarusalaam ee ka tirsan magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay gaari ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta, waxaana jira khasaare soo gaaray Riddada.
Sidoo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah ka fuliyeen deegaanka Weydow ee dhaca magaalada Muqdisho, waxaa howlgalkaasi ku dhaawacmay laba askari oo murtadiin ah.
Dhanka Laamu. waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidanka Kufaarta Kenya kaga suganyihiin deegaanka Maangaay ee dhaca gobolka Laamu, oo ka mid ah dhulalka muslimiinta ee ay gumeysiga ku haystaan saliibiyiinta Kenya.