Diidmo xooggan ayaa laga muujiyay aqoonsiga maamulka sahyuuniyadda ee Yahuudda uu siiyay maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Somaliland ee fadhigiisu yahay waqooyiga Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha maamulka gumeystaha Yahuudda, Benyamiin Netanyaahu ayaa gelinkii dambe ee shalay dowlad madax bannaan u aqoonsaday maamul goboleedka ashahaada la dirirka Somaliland ee uu madaxa ka yahay murtad Cabdiraxman Cirro.
Tan iyo markii uu Netanyahu ku dhawaaqay aqoonsiga uu siyay maamulkaasi waxay masuuliyiinta maamulkaasi ku jireen abaabul xooggan oo taageero iyo garab istaag loogu raadinayo aqoonsigaasi, balse bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa si wayn uga hor-yimid tallaabada Netanyaahu.
Culimo, waxgarad, haween, dhalinyaro iyo waayeel, ayaa si wayn uga hor-yimid tallaabada lagu aqoonsaday maamulkaasi, kuwaas oo ku kala sugan gobollada waqooyi oo ay ugu horrayso Hargaysa, dadkaasi qaarkood ayuu maamulkan Riddada xabsiga u taxaabay, kuwaas oo loo haysto inay kasoo horjeesteen aqoonsiga maamulkaasi uu ka helay maamulka Yahuudda.
Dadka sida wayn uga hor-yimid arrintaasi waxaa ka mid ah bulshada ku dhaqan gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama oo xarun u ah gobolkaasi.
Warbaahinta oo microphone-ka la dhex-martay bulshada ku dhaqan Boorama oo isugu jirta waayeelka dhalinyarada iyo haweenka, ayaa waxay si isku mid ah u diideen wax lala yaabona ku tilmaameen aqoonsiga maamulka Yahuudu siiyay maamulka fadhigiisu yahay Hargaysa, waxayna qorshaha aqoonsiga la xiriiriyeen in uu qayb ka yahay sidii ay Yahuuddu Itoobiya ugu boobi lahayd khayraadka dhex ceegaaga gobolkaasi.