Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Trump Oo Shaqada Ka Eryay Lataliyihiisa Dhanka Amniga.
  • Allposts
  • Warar

Trump Oo Shaqada Ka Eryay Lataliyihiisa Dhanka Amniga.

March 23, 2018

Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah shaqada uga eryay mid kamida tiirarka ugu awoodda badan maamulkiisa.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Trump ku sheegay in uu ku casilay lataliyihii amniga qaranka Mareykanka ninka lagu magacaabo Herbert McMaster kana mid ahaa xisbiga Jamhuuriga.

Sarkaalka la eryay ayaa xilka qaadistiisu waxay aheyd mid lama filaan ah waxaana lagu bedelay John Bolton, oo kamid ahaa saraakiishii lasoo shaqeysay Maamulkii G.W.Bush xilliyadii uu xamlada saliibiga ah ku iclaaminayay wadamada caalamka islaamka.

Warbaahinta mareykanka ayaa sheegtay in eryidda Herbert McMaster ay dhabar jab weyn ku tahay siyaasadda lagu maamulo aqalka cad oo 14-kii bilood ee lasoo dhaafay wajahaysay qulqulatooyin.

Lataliyaha cusub ee amniga qaranka Mareykanka ayaa horay usoo noqday safiirka washington u fadhiya xarunta waxa loogu yeero Q.midoobe sidoo kale wuxuu kamid ahaa dagaal huriyayaashii dhanka diblumaasiyadda xilligii G.W Buush.

Saxafiyiinta ayaa tallaabadan uu qaaday Trump ku tilmaamay mid qar iska xoornimo ah marka loo eego qaabka uu u maamulayo wadanka, majirin wax wareegta ah oo uu soo saaro marka uu xilal magacaabayo iyo marka uu mas’uuliyiin casilayo balse farriimo uu ku faafiyo baraha bulshada ayuu u adeegsadaa xilka qaadista arrintaas oo lagu sifeeyay fadeexad dhanka maamulka ah.

isbuuci lasoo dhaafay ayuu eryay Rakis Tillerson oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda xilli uu booqasho ku marayay qaar kamid ah wadamada dhaca qaaradda Afrika.

Eryidda Herbert McMaster ayaa ka dhigan lataliyihii 3-aad ee dhanka amniga ah ee Trump uu waayo, horay waxaa isku casilay laba lataliye oo uu ugu caansaa Maykal Filin oo ku lug lahaaday fadeexad ah faragelinta dowladda Ruushka ay ku sameysau doorashooyinkii madaxtinimada mareykanka.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Kabo kutukade”Shisheeyaha Wey Go’doonsanyihiin Innagana Waxaan Isaga Kala Gooshnaa Golis ilaa Lamu”(Maqal)
Next: Weerar Lagu Dhaawacay Askar Fransiis Ah Oo Ka Dhacay Dalka Maali.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 04-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 04-01-1447-Hijri.

June 29, 2025
Mujaahidiinta Oo Dagaal La’aan La Wareegay Deegaanka Ceel-qooxle Ee Hiiraan.
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Oo Dagaal La’aan La Wareegay Deegaanka Ceel-qooxle Ee Hiiraan.

June 29, 2025
Dagaal Lagu Jabiyay Maleeshiyada Danab Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.
  • Allposts
  • Warar

Dagaal Lagu Jabiyay Maleeshiyada Danab Oo Ka Dhacay Duleedka Kismaayo.

June 28, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)

June 16, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada