Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ugu yaraan 50 Qof Oo Rayid Ah Oo Lagu Laayay Galbeedka Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Ugu yaraan 50 Qof Oo Rayid Ah Oo Lagu Laayay Galbeedka Itoobiya.

November 25, 2025

Wararka ka imaanaya galbeedka Itoobiya ayaa sheegaya dhimashada ugu yaraan 50 qof oo shacab ah oo lagu xasuuqay weerar Sabtidi lasoo dhaafay ka dhacay deggaanka Bakuji ee degmada Bulen ee gobolka Metekel oo ka tirsan Ismaamulka Benishangul-Gumuz.

Dadka la laayay ayay xogtu sheegaysaa inay ku jireen caruur yar yar iyo in ka badan 10 ruux oo dumar ah, waxaana ilo-wareedyo aanu helnay ay tibaaxeen in weerarkani uu salka ku hayay isir-sifayn, kaas oo lagu bartilmaameesaday hayb gaar ah.

Gummaadka dadkan rayidka ah ayaa la sheegay in uu dhacay waaberigii hore kadib markii koox hubaysani ay weerar kula jarmaadeen degmadaasi, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan ismaamulka Benishangul Gumuz.

Dadka deggaanka ayaa ku warramay in ay tuhunsan yihiin in xasuuqqan ay ka dambeeyeen fallaagada Oromada ee loo yaqaan OLA, waxaana qof ka mid ah dadka deggaanka oo u warramay Wargeyska Addis Standard uu sheegay in dableydu ay guri-guri u baarayeen aqallada iyagoo mararka qaar hal goob ku wada khaarajinayay ilaa 5 qof oo isku qoys ah.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in suuro-gal ay tahay in tirada dhimashadu ay kororto, maadaama ay jiraan ayaa la yiri dhaawacyo garaab ah oo tirakoobkooda aan la sheegin kuwaas oo loo daad-gureeyey cisbitaallo ay ka mid yihiin kuwa magaalada Bahir Dar ee xarunta gobolka Amxaarada.

Ku-xigeenka madaxa maamulka Xabashida ugu magacaaban degmada Bulen, oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay xasuuqqa ka dhacay degmadaasi, isagoo sheegay in weerarkaasi ay geysteen maleeshiyaad uu ka gaabsaday sheegista magaca ama hayb-soocooda.

Sidoo kale madaxa degmadan oo isna la hadlay mid ka mida warbaahinta Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in weerarkani dhacay xilli ciidamada kala duwan ee maamulka gobolku ay wadeen ol’ole amni, maadaama ayuu yiri maleeshiyada OLA ay ku sugan yihiin qaybo ka mida degmada, isla markaana ay maamulaan deggaanno badan oo hoos-taga degmooyin ku teedsan degmada Bulen.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli xiisadaha ka aloosan gudaha Itoobiya ay sii laba-jibbaarmeen, gaar ahaanna gobolka Metekel uu ka mid noqday deggaannada qolqolatooyinka ugu darani ay ka dhacaan tan iyo 2019-kii, maadaama weerarradu ay cirka isku shareereen, dhimashada iyo barakaca rayidkuna ay sii kordhayaan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -04-06-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-06-1447 Hijri.

Related Stories

Mareykanka Oo Labaxay Safiirkiisii Soomaaliya Soona Magacaabay Kusime.
  • Allposts
  • Warar

Mareykanka Oo Labaxay Safiirkiisii Soomaaliya Soona Magacaabay Kusime.

January 16, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 26-07-1447-Hijri.

January 16, 2026
Weerar 7 Askari Lagu Dilay Oo Caawa Ka Dhacay Garasbaalley, Duleedka Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Weerar 7 Askari Lagu Dilay Oo Caawa Ka Dhacay Garasbaalley, Duleedka Muqdisho.

January 15, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarkii Degmada Ceeldheer.

September 12, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada