Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ugu yaraan 50 Qof Oo Rayid Ah Oo Lagu Laayay Galbeedka Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Ugu yaraan 50 Qof Oo Rayid Ah Oo Lagu Laayay Galbeedka Itoobiya.

November 25, 2025

Wararka ka imaanaya galbeedka Itoobiya ayaa sheegaya dhimashada ugu yaraan 50 qof oo shacab ah oo lagu xasuuqay weerar Sabtidi lasoo dhaafay ka dhacay deggaanka Bakuji ee degmada Bulen ee gobolka Metekel oo ka tirsan Ismaamulka Benishangul-Gumuz.

Dadka la laayay ayay xogtu sheegaysaa inay ku jireen caruur yar yar iyo in ka badan 10 ruux oo dumar ah, waxaana ilo-wareedyo aanu helnay ay tibaaxeen in weerarkani uu salka ku hayay isir-sifayn, kaas oo lagu bartilmaameesaday hayb gaar ah.

Gummaadka dadkan rayidka ah ayaa la sheegay in uu dhacay waaberigii hore kadib markii koox hubaysani ay weerar kula jarmaadeen degmadaasi, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan ismaamulka Benishangul Gumuz.

Dadka deggaanka ayaa ku warramay in ay tuhunsan yihiin in xasuuqqan ay ka dambeeyeen fallaagada Oromada ee loo yaqaan OLA, waxaana qof ka mid ah dadka deggaanka oo u warramay Wargeyska Addis Standard uu sheegay in dableydu ay guri-guri u baarayeen aqallada iyagoo mararka qaar hal goob ku wada khaarajinayay ilaa 5 qof oo isku qoys ah.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in suuro-gal ay tahay in tirada dhimashadu ay kororto, maadaama ay jiraan ayaa la yiri dhaawacyo garaab ah oo tirakoobkooda aan la sheegin kuwaas oo loo daad-gureeyey cisbitaallo ay ka mid yihiin kuwa magaalada Bahir Dar ee xarunta gobolka Amxaarada.

Ku-xigeenka madaxa maamulka Xabashida ugu magacaaban degmada Bulen, oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay xasuuqqa ka dhacay degmadaasi, isagoo sheegay in weerarkaasi ay geysteen maleeshiyaad uu ka gaabsaday sheegista magaca ama hayb-soocooda.

Sidoo kale madaxa degmadan oo isna la hadlay mid ka mida warbaahinta Ingiriiska ayaa xaqiijiyey in weerarkani dhacay xilli ciidamada kala duwan ee maamulka gobolku ay wadeen ol’ole amni, maadaama ayuu yiri maleeshiyada OLA ay ku sugan yihiin qaybo ka mida degmada, isla markaana ay maamulaan deggaanno badan oo hoos-taga degmooyin ku teedsan degmada Bulen.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli xiisadaha ka aloosan gudaha Itoobiya ay sii laba-jibbaarmeen, gaar ahaanna gobolka Metekel uu ka mid noqday deggaannada qolqolatooyinka ugu darani ay ka dhacaan tan iyo 2019-kii, maadaama weerarradu ay cirka isku shareereen, dhimashada iyo barakaca rayidkuna ay sii kordhayaan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -04-06-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-06-1447 Hijri.

Related Stories

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri

June 11, 2026
Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada