Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Weerar 15 Xubnood Looga Dilay Maamulka Abiy Oo Ka Dhacay Duleedka Addis-ababa.
  • Allposts
  • Warar

Weerar 15 Xubnood Looga Dilay Maamulka Abiy Oo Ka Dhacay Duleedka Addis-ababa.

August 19, 2025

Koox hubeysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa meel u dhow magaalada Addis-ababa oo ah caasimadda dalka Itoobiya ka fulisay weerar culus oo lagu beegsaday ciidamo ammaanka ka tirsan iyo shaqaale Itoobiyaan ah, halkaas oo dhegta dhiigga loogu daray ku dhawaad 15 xubnood.

Warbaahinta maxalliga ee Itoobiya waxay sheegtay in weerarka oo si gaar ah uga dhacay degmada Sululta ee gobolka waqooyiga Shewa ee ismaamulka Oromia, qiyaastiina 28 Km u jirta Addis-ababa lagu dilay 14 xubnood oo 11 ka mid ah ay ahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda xabashida.

Tolera Shula, oo ah madaxa suuqgeynta iyo xiriirka dadweynaha ee Bangiga Iskaashatada Oromia ee magaciisa loo soo kaabiyo (CBO) ayaa sheegay in weerarku dhacay Jimcihii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegnayd 16-ka Agoosto.

Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in xubnaha weerarka ku dhintay ay ka koobnaayeen saddex qof oo shaqaale oo ka tirsanaa bangiga Oromia iyo 11 askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, waxaana shaqaalaha bangiga ee la dilay ay kala ahaayeen laba darawal iyo hal qof oo bangigaas u xil saarnaa lacagaha gaadiidka.

War kasoo baxay maamulka Bangiga (CBO) ayaa looga tacsiyeeyay ehellada ay kasoo jeedaan xubnaha bangiga ee la dilay, Tolera, madaxa suuqgeynta iyo xiriirka dadweynaha ee Bangiga Iskaashatada Oromia, ayaa sheegay in meydadka shaqaalaha la dilay loo qaaday cisbitaalka St. Paul ee xaruntiisu tahay magaalada Addis Abeba si baaritaanno loogu sameeyo, ka hor inta aan loo gudbin qoysaskooda oo ku kala nool magaalooyinka Burayu, Sandafa, iyo Gambella, sida uu sheegay.

Kooxda weerarka geysatay ayuu Tolera sheegay inay ahaayeen dabley aan haybtooda si rasmi ah loo aqoonsan, balse ay sugayaan in baaritaannada socda lagu ogaado, bangigiisuna uu si dhow ula socdo dhacdada.

Weerarkan ka dhacay duleedka magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa qayb ka ah weerarro isdaba joog ah oo kooxo hubeysan oo ka tirsan mucaaradka xukuumadda Abiy Axmed ku beegsanaayeen saraakiisha, masuuliyiinta, ciidamada ammaanka, iyo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ganacsiga ee isaga goosha deegaanno ka tirsan ismaamulka Oromia.

Bishii Abriil ee sannadkan ayay ahayd markii ugu yaraan 7 qof la dilay kadib kooxo hubeysan weerar ku qaadeen gaari dadweyne oo marayay degmada Abe Dongoro ee gobolka Horo Guduru ee ka tirsan Wollega.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-02-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-02-1447 Hijri.

Related Stories

Xuuthiyiinta Oo Ku Goodisay Weeraro Ka Dhan Ah Masaalixda Yahuudda Ee Waqooyiga Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Xuuthiyiinta Oo Ku Goodisay Weeraro Ka Dhan Ah Masaalixda Yahuudda Ee Waqooyiga Somalia.

January 17, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 28-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 28-07-1447-Hijri.

January 17, 2026
Mujaahidiinta Oo Weeraro Ku Beegsaday Saldhigyo Ciidan Oo Kuyaal Banaadir Iyo NFD.
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Oo Weeraro Ku Beegsaday Saldhigyo Ciidan Oo Kuyaal Banaadir Iyo NFD.

January 17, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Jaziiratul Carab Oo Howlgal Istishhaadi Iyo Inqimasi Ku Qaaday Talis Milatari+Sawirro.

October 24, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada