Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Weerar 15 Xubnood Looga Dilay Maamulka Abiy Oo Ka Dhacay Duleedka Addis-ababa.
  • Allposts
  • Warar

Weerar 15 Xubnood Looga Dilay Maamulka Abiy Oo Ka Dhacay Duleedka Addis-ababa.

August 19, 2025

Koox hubeysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa meel u dhow magaalada Addis-ababa oo ah caasimadda dalka Itoobiya ka fulisay weerar culus oo lagu beegsaday ciidamo ammaanka ka tirsan iyo shaqaale Itoobiyaan ah, halkaas oo dhegta dhiigga loogu daray ku dhawaad 15 xubnood.

Warbaahinta maxalliga ee Itoobiya waxay sheegtay in weerarka oo si gaar ah uga dhacay degmada Sululta ee gobolka waqooyiga Shewa ee ismaamulka Oromia, qiyaastiina 28 Km u jirta Addis-ababa lagu dilay 14 xubnood oo 11 ka mid ah ay ahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda xabashida.

Tolera Shula, oo ah madaxa suuqgeynta iyo xiriirka dadweynaha ee Bangiga Iskaashatada Oromia ee magaciisa loo soo kaabiyo (CBO) ayaa sheegay in weerarku dhacay Jimcihii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegnayd 16-ka Agoosto.

Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in xubnaha weerarka ku dhintay ay ka koobnaayeen saddex qof oo shaqaale oo ka tirsanaa bangiga Oromia iyo 11 askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, waxaana shaqaalaha bangiga ee la dilay ay kala ahaayeen laba darawal iyo hal qof oo bangigaas u xil saarnaa lacagaha gaadiidka.

War kasoo baxay maamulka Bangiga (CBO) ayaa looga tacsiyeeyay ehellada ay kasoo jeedaan xubnaha bangiga ee la dilay, Tolera, madaxa suuqgeynta iyo xiriirka dadweynaha ee Bangiga Iskaashatada Oromia, ayaa sheegay in meydadka shaqaalaha la dilay loo qaaday cisbitaalka St. Paul ee xaruntiisu tahay magaalada Addis Abeba si baaritaanno loogu sameeyo, ka hor inta aan loo gudbin qoysaskooda oo ku kala nool magaalooyinka Burayu, Sandafa, iyo Gambella, sida uu sheegay.

Kooxda weerarka geysatay ayuu Tolera sheegay inay ahaayeen dabley aan haybtooda si rasmi ah loo aqoonsan, balse ay sugayaan in baaritaannada socda lagu ogaado, bangigiisuna uu si dhow ula socdo dhacdada.

Weerarkan ka dhacay duleedka magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa qayb ka ah weerarro isdaba joog ah oo kooxo hubeysan oo ka tirsan mucaaradka xukuumadda Abiy Axmed ku beegsanaayeen saraakiisha, masuuliyiinta, ciidamada ammaanka, iyo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa ganacsiga ee isaga goosha deegaanno ka tirsan ismaamulka Oromia.

Bishii Abriil ee sannadkan ayay ahayd markii ugu yaraan 7 qof la dilay kadib kooxo hubeysan weerar ku qaadeen gaari dadweyne oo marayay degmada Abe Dongoro ee gobolka Horo Guduru ee ka tirsan Wollega.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-02-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-02-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri

April 21, 2026
Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.
  • Allposts
  • Warar

Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.

April 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.

April 21, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada