Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Weerar Dad Rayid Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobolka Oromada Ee Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Dad Rayid Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobolka Oromada Ee Itoobiya.

April 13, 2025

Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qof lagu dilay weerar lagu beegsaday gaari dadweyne oo maraayay degmada Abe Dongoro ee deggaanka Horo Guduru Wollega ee gobolka Oromada.

Sida ay wararku tibaaxayaan weerarkan ayaa dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, waxaana mid ka mida dadkii ka badbaaday oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah uu sheegay in falkaasi ay fuliyeen maleeshiyaadka Amxaarada ee Fano.

Goob-joogahan ayaa intaas raaciyey in dablay hubaysani ay gaariga dadweynaha soo weerareen isla markaana rasaas oodda kaga qaadeen, waxaanay halkaasi ku dileen ayuu yiri 7 qof, halka 4 kalena ay dhaawacmaan loona qaaday cisbitaalka degmada Abe Dongoro.

Weerarkan ayaa yimid toddobaad uun ka dib markii weerar kan la mid ah oo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux, sadex kalena lagu afduubay uu 28-kii Maarso 2025 ka dhacay isla degmadaasi, kaas oo mas’uul ka tirsan maamulka degmadaasi uu ku eedeeyey jabhadda Fano.

Deegaanka Horo Guduru Wollega oo ku yaalla galbeedka gobolka Oromada ayaa waxaa sanadadii lasoo dhaafay ka dhacayay weerarro xooggan oo sababay iska hor imaadyo hubaysan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada xabashida iyo kooxaha hubaysan ee ay ka mid yihiin Jabhadda Oromada (OLA) iyo maleeshiyaadka Fano ee kasoo jeeda deegaanka la deriska ah ee Axmaarada.

Geesta kale, R/wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa Getachew Reda, madaxweynihii hore ee ismaamulka Tigrey-ga u magacaabay Wasiirka arrimaha bariga Afrika.

Getachew Reda ayaa maalmo ka hor uu Abiy Axmed ka xayuubiyey xilka M/weynaha gobolka Tigreyga, sabababo la xiriira xiisadda amni ee deggaankaasi oo kasii daraysa.

Tallaabadan ayaa la aaminsan yahay in ay sii hurin karto kala-qaybsanaanta sii kordheysa ee ka jirta gobolka Tigrey-ga.

Gobolkan ayaa la kacaa-kufaaya dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii labada sano socday ee dhex-maray Jabhadda Tigrey-ga iyo ciidanka Xabashida Itoobiya oo garabsanaya maleeshiyaad maxalliya iyo ciidanka Eretriya, kaas oo sida la sheegay galaaftay nolosha dad gaaraya 600,000 oo qof.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-10-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -15-10-1446-Hijri.

Related Stories

Dhagayso Hoggaanka Mujaahidiinta Oo Umadda Muslimiinta Ugu Hambalyeeyay Ciidda.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Hoggaanka Mujaahidiinta Oo Umadda Muslimiinta Ugu Hambalyeeyay Ciidda.

June 5, 2025
Ciid Mubaarak Dhamaaan Umadda Muslimiinta Ah.
  • Allposts
  • Warar

Ciid Mubaarak Dhamaaan Umadda Muslimiinta Ah.

June 5, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-12-1446-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-12-1446-Hijri.

June 5, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 15 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 15 aad)

June 4, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 14 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 14 aad)

May 31, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 13 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 13 aad)

May 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 12 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 12 aad)

May 24, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.

April 17, 2025
Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.

April 16, 2025
Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Muuqaalka Weerarkii Lagula Wareegay Degmada Masaajid Cali-gaduud.

April 16, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal Iyo Mubaax Oo Gacanta Lagu Dhigay.

April 16, 2025
Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Mujaahidiinta Oo Maalintii 4-aad Gacan Ku Haya Aboorrey Iyo Askar Maanta Lagu Dilay.

April 10, 2025
Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Askari Oo Lagu Dilay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Afgooye+Sawirro.

April 1, 2025
Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar 8 Askari Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Dhuusamareeb+Sawirro.

March 31, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada