Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Weerar Dad Rayid Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobolka Oromada Ee Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Dad Rayid Ah Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Gobolka Oromada Ee Itoobiya.

April 13, 2025

Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qof lagu dilay weerar lagu beegsaday gaari dadweyne oo maraayay degmada Abe Dongoro ee deggaanka Horo Guduru Wollega ee gobolka Oromada.

Sida ay wararku tibaaxayaan weerarkan ayaa dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, waxaana mid ka mida dadkii ka badbaaday oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah uu sheegay in falkaasi ay fuliyeen maleeshiyaadka Amxaarada ee Fano.

Goob-joogahan ayaa intaas raaciyey in dablay hubaysani ay gaariga dadweynaha soo weerareen isla markaana rasaas oodda kaga qaadeen, waxaanay halkaasi ku dileen ayuu yiri 7 qof, halka 4 kalena ay dhaawacmaan loona qaaday cisbitaalka degmada Abe Dongoro.

Weerarkan ayaa yimid toddobaad uun ka dib markii weerar kan la mid ah oo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux, sadex kalena lagu afduubay uu 28-kii Maarso 2025 ka dhacay isla degmadaasi, kaas oo mas’uul ka tirsan maamulka degmadaasi uu ku eedeeyey jabhadda Fano.

Deegaanka Horo Guduru Wollega oo ku yaalla galbeedka gobolka Oromada ayaa waxaa sanadadii lasoo dhaafay ka dhacayay weerarro xooggan oo sababay iska hor imaadyo hubaysan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada xabashida iyo kooxaha hubaysan ee ay ka mid yihiin Jabhadda Oromada (OLA) iyo maleeshiyaadka Fano ee kasoo jeeda deegaanka la deriska ah ee Axmaarada.

Geesta kale, R/wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa Getachew Reda, madaxweynihii hore ee ismaamulka Tigrey-ga u magacaabay Wasiirka arrimaha bariga Afrika.

Getachew Reda ayaa maalmo ka hor uu Abiy Axmed ka xayuubiyey xilka M/weynaha gobolka Tigreyga, sabababo la xiriira xiisadda amni ee deggaankaasi oo kasii daraysa.

Tallaabadan ayaa la aaminsan yahay in ay sii hurin karto kala-qaybsanaanta sii kordheysa ee ka jirta gobolka Tigrey-ga.

Gobolkan ayaa la kacaa-kufaaya dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii labada sano socday ee dhex-maray Jabhadda Tigrey-ga iyo ciidanka Xabashida Itoobiya oo garabsanaya maleeshiyaad maxalliya iyo ciidanka Eretriya, kaas oo sida la sheegay galaaftay nolosha dad gaaraya 600,000 oo qof.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-10-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -15-10-1446-Hijri.

Related Stories

Kenya Oo Nairobi Kasoo Tarxiishay Wasiir Katirsan Kooxda Gurguurte Oo Boorsooyin Lacag Ah Watay.
  • Allposts
  • Warar

Kenya Oo Nairobi Kasoo Tarxiishay Wasiir Katirsan Kooxda Gurguurte Oo Boorsooyin Lacag Ah Watay.

July 28, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1448-Hijri.

July 28, 2026
Weerar Askar Looga Dilay Maleeshiyada Axmed Madoobe Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Askar Looga Dilay Maleeshiyada Axmed Madoobe Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose.

July 28, 2026

Sawirro

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada