Weerar qorsheysan ayaa ka dhacay gudaha Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho Xaruntaasi oo ah xarunta ugu weyn ee ay daganyihiin Saraakiisha iyo Askarta Dowladda Ridada Federaalka.
Weerarkan qorsheysan oo loo adeegsaday Qarax xoogan ayaa ka dhacay Gudaha Xarunta Villa Baydhabo, Iyadoo Dhawaaqa qaraxa si aad ah looga maqlay Magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya iney jirto Khasaara kala duwan oo Saraakiisha iyo Askarta Dowladda Ridada Federaalka kasoo gaartay qaraxa ka dhacay gudaha Xaruntaasi.
Mas’uuliyadda Qaraxan ka dhacay gudaha Xarunta Villa Baydhabo waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, Waxa uu qaraxan kusoo aadayaa xilli Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ay sii kordhiyeen weerarada ka dhanka Dowladda Federaalka ee ay ka fulinayaan gudaha Magaalada Muqdisho.
Calamada.com