Wararka naga soo gaaraya Sh/hoose ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu dagaal xoogan ka dhacay inta u dhexeysa degmada Wallaweyn iyo xerada Balidoogle kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ay kamiin u dhigeen maleeshiyaat zaad u waday xerada ciidamada Mareykanka ee Balidoogle.
Saraakiil katirsan ciidanka Al-Shabaab ayaa Idaacada Andalus u sheegay inuu ciidankooda ay cagta mariyeen kolonyo ciidamo ah oo watay ku dhawaad 10 gaari, islamarkaana ku sii jeeday saldhigga Balidoogle.
Wararka ayaa sheegaya in dhamaan gaadiidkii ay wateen maleeshiyaatka oo u badnaa Booyado shidaal laga dhigay wax la burburiyey iyo wax lasoo ganiimeystay, islamarkaana khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac ah la gaarsiiyey maleeshiyaatka.
“Allaah fadligii howlgalkan qorsheysan waxaan ku beegsanay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen maleeshiyaatka loo yaqaano “DANAB” ee uu Mareykanku soo tababaray, kuwaas oo Zaad u waday dhanka Balidoogle, maleeshiyaatkii iyo kolonyadiiba cagta ayaan marinay, gaadiidkii oo ay wateen oo dhana qaar waan soo ganiimeysanay, qaarna waan gubnay” sidaas waxaa idaacada Andalus u sheegay sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa ka dhacay goob u dhaw saldhigga ciidamada Mareykanka ee Balidoogle, waxaana in maleeshiyaatka calooshood u shaqeystayaasha ee ‘DANAB’ lagu weeraro halkaas ay muujineysaa halista weli Mareykanka iyo maleeshiyaatkiisa calooshood u shaqeystayaasha ah kaga imaaneysa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.