Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey howlgalo kala duwan ka kala fuliyeen duleedyada Magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ee xarumaha gobalada Bari iyo Jubbada hoose.
Dhanka Duleedka Kismaayo waxey ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen weeraro dhowr ah oo ay labeegsadeen maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Jubbo-land.
Weeraradan waxey ciidamada Mujaahidiinta ku dileen Lix askari oo ah maleeshiyaatka Ridada Axmed Madoobe waxeyna ku dhaawaceen Todobo askari oo iyaguna ah maleeshiyaatka Ridada Jubbo-land.
Dhanka duleedka Boosaaso waxey ciidamada Mujaahidiinta qarax la beegsadeen maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka isku magacaabay Puntland.
Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Galgala iyo Buurta Boosaaso, Waxaa qaraxan ku dhintay Labo askari hal kalane wuu ku dhaawacmay kuwaasi oo wada ah maleeshiyaatka Ridada Puntland.
Calamada.com