Ciidamada mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay agagaarka tuulada Buushka ee u dhaxeysa deegaannada Nambar/50 iyo Nambar/60 qarax kula beegsadeen gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka murtadiinta.
Howlgalkan qaraxa ah waxaa inta la xaqiijiyay lagu dilay ugu yaraan 5 askari oo murtadiin ah oo uu oo ku jiro sarkaal, waxaa sidoo kale howlgalkaasi qaraxa ah lagu dhaawacay lix askari oo kale oo murtadiin ah, halka lagu gubay gaari Cabdibile ah.
Dhanka Banaadir, waxay ciidamada mujaahidiintu howlgal qarax ah la beegsadeen xarun maleeshiyaadka Riddada ah ugu ugu tala galeen doorasha gaaleedka oo ku taal xaafadda Godey Makane ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxaana xilliga qaraxa uu dhacayay gudaha xarunta ku sugnaa saraakiil iyo askar ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Khasaare soo gaaray maleeshiyaadka murtadiinta ah ayaa ka dhashay qaraxan ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waana mid ka mid ah howlgallada qorsheysan ee ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka wadaan Muqdisho iyo duleedyadeeda.
Dhanka Baay, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay weerareen isbaaro maleeshiyaadka Riddada u tiillay duleedka magaalada Baydhaba, dhimashadu waa laba askari oo murtadiin ah, halka lagu soo qaniimeystay laba qori oo Ak47 ah iyo booshashkooda.