Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xiisadda Gobolka Tigrey Oo Cirka Isku Shareertay Xilli Abaabul Dagaal Uu Socda.
  • Allposts
  • Warar

Xiisadda Gobolka Tigrey Oo Cirka Isku Shareertay Xilli Abaabul Dagaal Uu Socda.

July 24, 2025

Xiisadda colaadeed ee ka aloosan gobolka Tigray ayaa cirka isku sii shareeraysa, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in jabhadda TPLF ay waddo abaabul dagaal oo ka dhan ah dowladda Xabashida Itoobiya.

Heshiiskii nabadeed ee ku dhawaad saddex sano ka hor magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ku dhex-maray xukuumadda Addis Ababa iyo kooxda TPLF ayaa u muuqda mid qarka u saaran in uu burburo. Waxaana fashilka ku yimid fulinta qodobbadii heshiiskaas ay abuurtay cabsi laga qabo in colaad hor leh ay dib uga soo cusboonaato waqooyiga Itoobiya.

Wararka ayaa tibaaxaya in maleeshiyaadka TPLF ay isku urursanayaan deegaannada xuduudda la leh gobolka Axmaarada, gaar ahaan aagga Raaya, oo ay ku jirto magaalada Alamaata, oo dhacda koonfurta gobolka Tigray.

Magaalada Alamata, oo ah xarunta ugu weyn deegaankan, waxaa labadii sano ee u dambeeyay maamulayay ciidanka Xabashida Itoobiya, hase yeeshee, warar ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Tigray ay gudaha u galeen deegaanno ka tirsan Raya, ayna ku amreen booliska federaalka ee halkaas ku sugnaa inay ka baxaan aagga.

Sidoo kale, waxaa la soo sheegayaa in dugsiyadii waxbarashada ee deegaannadaas loo beddelay fariisimo ciidan, kadib markii ay saldhigyo ka sameysteen maleeshiyaadka TPLF. Waxay sidoo kale laaleen maamulladii ay xukuumadda Abiy Axmed u magacawday deggaannadaasi sida Mohoni (Mahooni), Chercher (Shirshee), iyo Maichew (Meyjoo), iyagoo halkaas ka dhisay maamullo cusub oo iyaga taabacsan.

Dhanka kale, taliyaha guud ee ciidanka Xabashida Itoobiya, Berhanu Jula (Burhaanu Juula), ayaa si adag ugu goodiyey jabhadda TPLF. Waxaanu ku amray inay si degdeg ah usoo wareejiyaan hubka culus ee ay haystaan, kaas oo uu sheegay inuu yahay hanti qaran oo laga xaday dowladda federaalka.

Jula wuxuu ku eedeeyay TPLF inay qariyeen hub ay ka mid yihiin madaafiic, taangiyo, iyo gantaallada lidka diyaaradaha, isla markaana ay hadda wadaan qorshe ay dib ugusoo saarayaan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in gobolka Tigray uu yahay gobolka keliya ee haysta hub noocan oo kale ah.

“Waa inaad soo celisaan taangiyada iyo madaafiicda aad aasteen, ee aad hadda ku howlan tihiin soo saaristooda,” ayuu yiri taliyuhu, mar uu hadal ka jeedinayay munaasabad ciidan oo isniintii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Jimma ee gobolka Oromada.

Berhanu Jula wuxuu TPLF xusuusiyay dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee labada sano socday, isagoo u digayana waxa uu yiri “Markii horena dagaalka aad dabada ka riixdeen wax faa’iido ah kama aydnaan helin, khasaare mooyee.”

Isku soo wada duuboo, xaaladdu waxay u muuqataa mid faraha kasii baxaysa, waxaana jirta cabsi weyn oo laga qabo in dagaallo qaraar ay dib uga dhex qarxaan ciidanka Xabashida Itoobiya iyo jabhadda TPLF, xilli dhanka kalena xiisadda ka dhex jirta maamullada Asmara iyo Addis Ababa ay sii xumaanayso, taas oo sii murjin karta xaaladda gobolka.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 29-01-1447-Hijri.
Next: Dhagayso Andalus Podcast: Dagaalkii Al-itixaad Iyo Xabashida Ku Dhexmaray Gedo.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 30-01-1447H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 30-01-1447H.

July 25, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-01-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -30-01-1447 Hijri.

July 25, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025

Sawirro

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.

June 30, 2025
Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada