Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xiisadda Gobolka Tigrey Oo Cirka Isku Shareertay Xilli Abaabul Dagaal Uu Socda.
  • Allposts
  • Warar

Xiisadda Gobolka Tigrey Oo Cirka Isku Shareertay Xilli Abaabul Dagaal Uu Socda.

July 24, 2025

Xiisadda colaadeed ee ka aloosan gobolka Tigray ayaa cirka isku sii shareeraysa, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in jabhadda TPLF ay waddo abaabul dagaal oo ka dhan ah dowladda Xabashida Itoobiya.

Heshiiskii nabadeed ee ku dhawaad saddex sano ka hor magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ku dhex-maray xukuumadda Addis Ababa iyo kooxda TPLF ayaa u muuqda mid qarka u saaran in uu burburo. Waxaana fashilka ku yimid fulinta qodobbadii heshiiskaas ay abuurtay cabsi laga qabo in colaad hor leh ay dib uga soo cusboonaato waqooyiga Itoobiya.

Wararka ayaa tibaaxaya in maleeshiyaadka TPLF ay isku urursanayaan deegaannada xuduudda la leh gobolka Axmaarada, gaar ahaan aagga Raaya, oo ay ku jirto magaalada Alamaata, oo dhacda koonfurta gobolka Tigray.

Magaalada Alamata, oo ah xarunta ugu weyn deegaankan, waxaa labadii sano ee u dambeeyay maamulayay ciidanka Xabashida Itoobiya, hase yeeshee, warar ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Tigray ay gudaha u galeen deegaanno ka tirsan Raya, ayna ku amreen booliska federaalka ee halkaas ku sugnaa inay ka baxaan aagga.

Sidoo kale, waxaa la soo sheegayaa in dugsiyadii waxbarashada ee deegaannadaas loo beddelay fariisimo ciidan, kadib markii ay saldhigyo ka sameysteen maleeshiyaadka TPLF. Waxay sidoo kale laaleen maamulladii ay xukuumadda Abiy Axmed u magacawday deggaannadaasi sida Mohoni (Mahooni), Chercher (Shirshee), iyo Maichew (Meyjoo), iyagoo halkaas ka dhisay maamullo cusub oo iyaga taabacsan.

Dhanka kale, taliyaha guud ee ciidanka Xabashida Itoobiya, Berhanu Jula (Burhaanu Juula), ayaa si adag ugu goodiyey jabhadda TPLF. Waxaanu ku amray inay si degdeg ah usoo wareejiyaan hubka culus ee ay haystaan, kaas oo uu sheegay inuu yahay hanti qaran oo laga xaday dowladda federaalka.

Jula wuxuu ku eedeeyay TPLF inay qariyeen hub ay ka mid yihiin madaafiic, taangiyo, iyo gantaallada lidka diyaaradaha, isla markaana ay hadda wadaan qorshe ay dib ugusoo saarayaan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in gobolka Tigray uu yahay gobolka keliya ee haysta hub noocan oo kale ah.

“Waa inaad soo celisaan taangiyada iyo madaafiicda aad aasteen, ee aad hadda ku howlan tihiin soo saaristooda,” ayuu yiri taliyuhu, mar uu hadal ka jeedinayay munaasabad ciidan oo isniintii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Jimma ee gobolka Oromada.

Berhanu Jula wuxuu TPLF xusuusiyay dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee labada sano socday, isagoo u digayana waxa uu yiri “Markii horena dagaalka aad dabada ka riixdeen wax faa’iido ah kama aydnaan helin, khasaare mooyee.”

Isku soo wada duuboo, xaaladdu waxay u muuqataa mid faraha kasii baxaysa, waxaana jirta cabsi weyn oo laga qabo in dagaallo qaraar ay dib uga dhex qarxaan ciidanka Xabashida Itoobiya iyo jabhadda TPLF, xilli dhanka kalena xiisadda ka dhex jirta maamullada Asmara iyo Addis Ababa ay sii xumaanayso, taas oo sii murjin karta xaaladda gobolka.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 29-01-1447-Hijri.
Next: Dhagayso Andalus Podcast: Dagaalkii Al-itixaad Iyo Xabashida Ku Dhexmaray Gedo.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-11-1447-Hijri.

April 27, 2026
Daawo Muuqaallo Cusub Oo Ay Baahisay Kataa’ib Al-ikhbaariyah.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaallo Cusub Oo Ay Baahisay Kataa’ib Al-ikhbaariyah.

April 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-11-1447-Hijri

April 26, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada