Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Yahuuda Oo Markale Duqeysay Magaalada Gaza.
  • Allposts
  • Warar

Yahuuda Oo Markale Duqeysay Magaalada Gaza.

August 9, 2018

Wararka ka imaanayo dhulka Falistiin ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh laga dareemayo magaalada Gaza iyo dhulka ku xeeran, kadib markii xalay duqeymo culus ay halkaas isku weydaarsadeen kooxaha muqaawamada iyo ciidanka militaryga maamulka Yuhuuda.

Xaalad kacsanan ah ayaa kajirto magaalada Gaza, kooxaha muqaawamadana waxa ay u diyaar garoobayaan dagaal xoogan oo ay kala hortagaan yuhuuda xooga kuheysato qeyba kamid ah dhulka filistiin.

Habeenki xalay ahaa ayay duqeymo ka dheceen magaalada Gaza kuwaas oo ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Yuhuuda iyo ciidankooda ku sugan xad beenaadka kala qeybiyo Gaza iyo dhulka gumeysiga ku hoos jira.

Duqeymaha Yuhuuda ayaa lagusoo waramayaa inay ku geeriyoodeen ilaa 3 qof oo filistiiniyiin ah oo ay kujirto Hooyo leh Uur 9 bil ah iyo gabar ay dhashay oo 1 sano iyo bar jirta, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 12 qof oo kale, sida ay sheegtay wazaarada caafimaadka maamulka filistiin.

Kooxaha muqawamada oo duqeymahaas ka jawaabaya ayaa iyana dhankooda bilaabay duqeymo saf balaaran ah oo ay la beegsanayaan mandiqadaha lagu deegaameeyey dadka yuhuuda ah ee ku dhow xuduud beenaadka magaalada Gaza, waxa ayna beegsadeen ku dhawaad 10 magaalo oo yuhuudu dagan yihiin iyo saldhig ciidan oo ku yaala magaalada Sidiiroot.

Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in duqeymaha ay geysteen kooxaha muqaawamada filistiiniyiinta ay sababeen khasaare kala duwan oo soo gaaray dadka yuhuuda ah, ayna ku dhaawacmeen ilaa 12 qof yuhuud ah.

Mandiqadaha ay duqeeyeen kooxaha muqaawamada waxaa kamid ah magaalada Nitifot, Sidiroot, Yadmir Dakhay, Naaxil Cowz, Suufa iyo Neyziim, waxaana lagusoo waramayaa inuu jiro burbur xoogan oo soo gaaray guryo ay dadka yuhuuda ah deganaayeen iyo gaadiid ay dadkaas la haayeen.

Qalabka loo yaqaan Patriot ee loo isticmaalo ka hor taga gantaalada ayaa mar kale ku hor kufay wax ka qabashada gantaalada ay kooxaha muqaawamada ku garaacayaan magaalooyinka lagu deegaameeyey dadka yuhuuda, xalay oo kaliyana waxaa ka baxsaday wax ka badan 125 gantaal sida ay warbaahinadu sheegayaan.

Xeeladaha ay isticmaalayaan kooxaha muqaawamada ayaa la sheegayaa inay kamid tahay in markiiba ay ridayaan wax ka badan 20 gantaal oo isku mar ah, taas oo shaqada ku adkeyneysa qalabka Patriot oo aan awood u lahayn inuu howsha intaa la eg  mar qura wada qabto.

Maamulka Sahayuuniyada ayaa fariin u diray dadka Yuhuuda, taas oo loogu sheegay inaysan ka fogaan godadka loo sameeyey inay ka galaan gantaalada Muqaawamada, waxa uuna ugu baaqay in qof kastaa uu heysto 25 second oo kaliya mar hadii uu maqlo dhawaqa qalabka digniinta bixiya ee ku rakiban magaalooyinka ay xooga ku heystaan.

Duqeymaha ay is weydaarsanayaan labada dhinac waxaa bar bar socda kulamo siyaasadeed iyo diyaar garow ciidan oo balaaran, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu si tartiib tartib ah uu usii balaarto.

Ra iisal wazaaraha Yuhuuda Binyamin Natanyaho ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray gudiga amniga maamulkiisa, kaas oo lagu falanqeynayay dhacdooyinki u danbeeyey ee mandiqada ka dhacay, inkastoo aan la faahfaahin waxa kasoo baxay kulankii ay wada qaateen.

Dhanka kale Xarakada Xamaas ayaa iyana war ay soo saartay ku sheegtay in la gaaray waqtigii ay u aar gudi lahaayeen dadki Falastiiniyiinta ahaa ee dhiigooda sida gar darada ah loogu daadiyey magaalada Gaza iyo deeganada ku xeeran, lana joogo xiligii ay muqaawamada ka aargoosan lahayd cadowga Sahayuuniyada ah.

Dhaqdhaqaaqan ciidan iyo diyaar garowga xoogan ayaa imaanaya Maalin kadib markii Militaryga yuhuuda ay duqeyn ku dileen, laba dagaal yahan oo katirsanaa guutada Cizu diin Alqasaam ee kadagaalanta dhulka filistiin, dagaal yahanadaas oo la dilay xilli ay ku tababaranayeen mid kamid ah xeryahooda ku yaala galbeedka Magaalada Gaza.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Ku Dhawaad Toban Askari Yugandheys Ah Oo Lagu Dilay Sh/hoose.
Next: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo La Wareegay Deegaan Istiraatiiji Ah.

Related Stories

Dhagayso Muxaadaro Ku Saabsan Fadliga 10-ka Dambe Ee Ramadaan Iyo Sh Fu’aad.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Muxaadaro Ku Saabsan Fadliga 10-ka Dambe Ee Ramadaan Iyo Sh Fu’aad.

March 10, 2026
Dhagayso Xalqada 12-aad Taxanaha Siirada Nabiga Oo Ay Ku Sugan Yihiin Duruus Iyo Cibar.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Xalqada 12-aad Taxanaha Siirada Nabiga Oo Ay Ku Sugan Yihiin Duruus Iyo Cibar.

March 9, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-09-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-09-1447-Hijri

March 9, 2026

Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada