Waxaa magaalada Jiddah ee wadanka Sacuudiga ku dhintay Zeynul Caabidiin Bin Cali oo soo noqday madaxweynaha wadanka Tuunis ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.
Xubno katirsan qoyska Bin Cali ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geeridiisa, Zeynul Caabidiin ayaa bilihii dambe aad u xanuunsanayay wuxuuna udhaxeeyay isbitaallada waaweyn ee magaalooyinka Makka iyo Jiddah.
Bin Cali oo ahaa hoggaamiye dhiigya cab gummaday shacabkiisa ayaa lagu riday kacdoonkii ugu horreeyay ee guga carabta kaasi oo gilgilay wadamo badan oo katirsan waqooyiga qaaradda Afrika sanaddii 2011.
Sideedii sanadood ee lasoo dhaafay ayuu Bin Cali musaafuris ku joogay wadanka Sacuudiga oo dowladda ka jirta uu kala dhexeeyay xiriir ku dhisan dabadhilifnimo.
Ninkan maanta halaagsamay ayaa ahaa 83 sana jir wuxuuna dhashay sanaddii 1936-dii, wuxuu xilka wasiirka arrimaha gudaha kasoo qabtay dowladdii calmaaniga aheyd ee Xabiib Boorqiibah.
Sanaddii 1987-dii ayuu Bin Cali Inqilaab aan dhiig ku daadan talada Tuunis kula wareegay wuxuuna dajiyay qawaaniin uu kula dagaallamay islaamka iyo ehelkiisa, Zeynul Caabidiin ayaa dadka muslimiinta ka mamnuuci jiray in ay ku ictikaafaan masaajidda wuxuu xaaraam ka dhigay in raggu guursadaan wax ka badan hal xaas.
Dowladdii uu Bin Cali madaxda ka ahaa waxay laheyd ciidamo amni oo gacan bir ah kula dhaqmi jiray dadka mucaaradsan siyaasadda dowladda, wuxuu dhisay xabsiyo qarsoodi ah oo lagu tacdiibiyo muslimiinta.
Sanadihii 2001 iyo 2003 markii mareykanku uu ku duulay Afghanistan iyo Ciraaq ayay dowladdii Tuunis ee Bin cali madaxweynaha ka ahaa safka hore ka gashay isbahaysigii laduubtay Bush iyo Tony Blair.
Bishii July ee lasoo dhaafay ayuu sidaan oo kale u halaagsamay Qaa’id Beeji Sebsi oo ahaa madaxweyne wadanka Tuunis kula dagaallamay Islaamka iyo Muslimiinta