Ciidamada mujaahidiinta ayaa howlgal ballaaran ka billaabay bishii Shawaal bariga Hiiraan, kaasi oo ku socday magaalooyin sannado badan gacanta ugu jiray murtadiinta iyo saliibiyiinta, weeraradan waxay sidoo kale qayb ka yihiin camaliyaad ciidanka mujaahidiintu billaabeen bishii Shacbaan ee ina dhaaftay.
Mid ka mid ah weeraradaas ayaa isla bishii Shawaal 1446-dii lagu xoreeyay deegaanka Aboorrey, waxaana xigay silsilado weeraro cagmarin ah oo lagu xoreeyay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa dhaca bariga.
Howlgalka wuxuu soo socdaba waxa uu soo gaaray degmada Maxaas oo dhacda bariga fog ee wilaayada Hiiraan, saaka ayay ciidamada mujaahidiintu xabadda kasoo billaabeen meel qiyaastii 5KM u jirta degmada, waxayna ugu dambeyn gudaha usoo galeen magaalada oo cagta mariyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen murtadiinta.
Difaacyada murtadiinta ee degmada Maxaas waxay ciidamada mujaahidiintu ku daahfureen camaliyad Istish-haadi ah, taasi oo burburisay taliskii ugu weynaa ee murtadiintu kaga sugnaayeen afaafka hore ee Maxaas, halkaas oo lagu gumaaday saraakiishii hoggaanka u ahayd maleeshiyada murtadiinta sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidanka mujaahidiinta.
Haddaba degmada Maxaas waa degmo caynkee ah, maxaanse ka ognahay dhibaatooyinka ay saliibiyiinta xabashida Itoobiya iyo maleeshiyada Riddada ka gaysteen degmadan?.
Ciidanka xabashida Itoobiya waa cadow soo jireen ah oo ay leeyihiin dadka muslimiinta ah, ciidankan ayaa degmada Maxaas soo galay 2014-kii, waxaa galbinayay maleeshiyo murtadiin ah oo gumeysiga xabshida u horseeday degmadan.
Bishii Agoosto 2024 ayay ciidanka xabashidu isaga baxeen degmada Maxaas, kadib markii uu billowday dhimista isbahaysiga ciidanka kuffaarta Afrikaanta ee duullaanka ku joogay waddanka.
Istaraatiijiyadda Maxaas.
Maxaas waa degmo istaraatiiji ah oo dhacda bariga fog ee wilaayada Hiiraan, waxaa degmadan muddo ka badan 12 sano ku sugnaa ciidamo huwan ah oo isugu jiray saliibiyiin Itoobiyaan ah iyo maleeshiyo murtadiin ah oo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Degmada Maxaas waxay ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah ee gobolka Hiiraan, waana mid ka mida shanti magaalo ee gobolku lahaa xilligii ay dalku ka jirtay xukuumaddii shuuciyadda ee Maxamed Siyaad Barre.
Degmadan waxay isku xirtaa gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, wadooyin dhowr ah ayaa magaalada ka baxa, kuwaas oo aadda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, jidka bari ee ka baxa degmada Maxas ayaa aada dhanka deegaanka Wabxo ee Galgaduud, waxayna u jirtaa 28 KM, jidka waqooyi ee ka baxa degmada ayaa aada dhanka degmada Guriceel, waddada Koonfureed waxay aadda degmada Moqokori, degmada Buulo-burte iyo deegaanka Yasooman waxay magaalada kaga beegan yihiin dhanka koonfur galbeed, halka degmada Beledweyne ay Maxaas ka xigto dhanka galbeed.
Sidoo kale waxaa degmada Maxaas ka baxa waddooyin aada tuulooyin badan oo ku xeeran Maxaas, waana degmo muhiim ah oo leh dhul daaqsiin bacaad ah, dadkeedu waxay ku tiirsanyihiin dhaqashada Xoolaha iyo ganacsiga.
Dhibaatooyinka Itoobiyaanka iyo murtadiintu ka gaysteen degmada.
Marka laga hadlayo dhibaatooyinka ay saliibiyiinta xabashida ka gaysteen degmada Maxaas ma ahan kuwa lagu soo koobi karo qormo kaliya, oo aad bay u badnaayeen sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo aanu la xiriirnay.
Dhibaatooyinka ay ciidanka saliibiyiinta Itoobiya ee bishii Agoosto ee 2024-kii isaga baxay degmada Maxaas iyo maleeshiyada Riddada ee maanta dagaalka looga saaray magaalada waxaa ka mid ah biyaha oo ay aad ugu dhibi jireen dadka deegaanka.
Mid ka mid ah dadka deegaanka kasoo jeeda oo aanu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in ciidanka xabashida ay ceelka degmada isku soo beegi jireen xilli ay dadka xoola dhaqatada ah ka cabaan ceelka, taasi oo caqabad joogto ah ku ahayd bulshada muddo 12 sano ah.
“Oday 60 jir ah, oo lagu magacaabo Faarax Dhagey, oo geeliisa u shubayay ceelka ayuu askari Itoobiyaan ceelka kusoo ciriiriyay, ninkii ayaa dharbaaxo ku dhuftay askariga Itoobiyanka, murtadiinta oo fulinaya amarka dowladda ay ilaalinayeen ee Itoobiya ayaa xiray odayga waayeelka ah, waxaa la yaab leh in intaas kaddib uu guddoomiyihii Riddada ee xilligaas Afcadeey uu xabashida u geeyay xoolo uu uga raaligelinayay dhirbaaxada kaga timid ninka waayeelka ah ee sharaftiisa difaacanayay” waxaa sidaas mareegta Calamada u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale dhacdooyinka xanuunka badan ee Maxaas ka gaysteen ciidamadii xabashida waxaa ka mid ahaa in gabadh muslimad ah oo weliba naafo ka ah maqalka ay jiidis ku geeyeen saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen, halkaas na la xaqiijiyay inay kufsi wadareed ugu gaysteen ciidanka xabashida.
Dhacdooyinka Maxaas martigelisay 12-kii sano ee lasoo dhaafay waa kuwa xarka goosad ah, waxaana ugu dambeeyay in maalmihii u dambeeyay ay maleeshiyaadka murtadiinta oo dareensanaa in mujaahidiintu kusoo socdaan waxay magaalada ka gaysteen bililiqo xooggan sida uu inoo xaqiijiyay qof ka mid ah dadka deegaanka oo aanu la xiriirnay.
Dadka shacabka ah si gaar ah xoolaha dhaqatada ayay muddadaas ciidanka xabashida iyo murtadiinta ka hor istaageen inay nabad ku ladaan geedaha iyo magaalada inteeda kale, fasaad diineed oo xarka goosad ah ayay sidoo kale gaysteen cadowgu muddadii ay joogeen.
12 sano kaddib waxay reer Maxaas heleen neecowda xoriyadda iyo raayada Towxiidka oo degmadooda muddadaas ka maqnayd, waxay tani ka dhigan tahay guul usoo hoyatay muslimiinta, halka uu cadowgu ku noqonayo mid dhabar jab ku ah saliibiyiinta iyo murtadiinta oo waayay degmo qadiimi ah oo inka badan 12 sano ay duullaan shareeco la dirir ah ku haysteen, ahdaafta ay u dagaallamayaan mujaahidiinta waxaa ka mid ah inay u gargaaraan dadka mustadcafiinta ah ee dhibannaha u ah saliibiyiinta iyo murtadiinta.