Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • 12 Sano kaddib Degmada Maxaas Oo Gacanta Mujaahidiinta Kusoo Dhacday (WARBIXIN).
  • Allposts
  • Warar

12 Sano kaddib Degmada Maxaas Oo Gacanta Mujaahidiinta Kusoo Dhacday (WARBIXIN).

July 27, 2025

Ciidamada mujaahidiinta ayaa howlgal ballaaran ka billaabay bishii Shawaal bariga Hiiraan, kaasi oo ku socday magaalooyin sannado badan gacanta ugu jiray murtadiinta iyo saliibiyiinta, weeraradan waxay sidoo kale qayb ka yihiin camaliyaad ciidanka mujaahidiintu billaabeen bishii Shacbaan ee ina dhaaftay.

Mid ka mid ah weeraradaas ayaa isla bishii Shawaal 1446-dii lagu xoreeyay deegaanka Aboorrey, waxaana xigay silsilado weeraro cagmarin ah oo lagu xoreeyay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa dhaca bariga.

Howlgalka wuxuu soo socdaba waxa uu soo gaaray degmada Maxaas oo dhacda bariga wilaayada Hiiraan, saaka ayay ciidamada mujaahidiintu xabadda kasoo billaabeen meel qiyaastii 5KM u jirta degmada, waxayna ugu dambeyn gudaha usoo galeen magaalada oo cagta mariyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen murtadiinta.

Weerarka difaacyada murtadiinta ee degmada Maxaas waxay ciidamada mujaahidiintu ku daahfureen camaliyad Istish-haadi ah, taasi oo burburisay taliskii ugu weynaa ee murtadiintu kaga sugnaayeen afaafka hore ee Maxaas, halkaas oo lagu gumaaday saraakiishii hoggaanka u ahayd maleeshiyada murtadiinta sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidanka mujaahidiinta.

Haddaba degmada Maxaas waa degmo caynkee ah, maxaanse ka ognahay dhibaatooyinka ay saliibiyiinta xabashida Itoobiya iyo maleeshiyada Riddada ka gaysteen degmadan?.

Ciidanka xabashida Itoobiya waa cadow soo jireen ah oo ay leeyihiin dadka muslimiinta ah, ciidankan ayaa degmada Maxaas soo galay 2014-kii, waxaa galbinayay maleeshiyo murtadiin ah oo gumeysiga xabshida u horseeday degmadan.

Bishii Agoosto 2024 ayay ciidanka xabashidu isaga baxeen degmada Maxaas, kadib markii uu billowday dhimista isbahaysiga ciidanka kuffaarta Afrikaanta ee duullaanka ku joogay waddanka.

Istaraatiijiyadda Maxaas.

Maxaas waa degmo istaraatiiji ah oo dhacda bariga wilaayada Hiiraan, waxaa degmadan muddo ka badan 12 sano ku sugnaa ciidamo huwan ah oo isugu jiray saliibiyiin Itoobiyaan ah iyo maleeshiyo murtadiin ah oo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.

Degmada Maxaas waxay ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah ee gobolka Hiiraan, waana mid ka mida shanti magaalo ee gobolku lahaa xilligii ay dalku ka jirtay xukuumaddii shuuciyadda ee Maxamed Siyaad Barre.

Degmadan waxay isku xirtaa gobollada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, wadooyin dhowr ah ayaa magaalada ka baxa, kuwaas oo aadda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, jidka bari ee ka baxa degmada Maxas ayaa aada dhanka deegaanka Wabxo ee Galgaduud, waxayna u jirtaa 28 KM, jidka waqooyi ee ka baxa degmada ayaa aada dhanka degmada Guriceel, waddada Koonfureed waxay aadda degmada Moqokori, degmada Buulo-burte iyo deegaanka Yasooman waxay magaalada kaga beegan yihiin dhanka koonfur galbeed, halka degmada Beledweyne ay Maxaas ka xigto dhanka galbeed.

Sidoo kale waxaa degmada Maxaas ka baxa waddooyin aada tuulooyin badan oo ku xeeran Maxaas, waana degmo muhiim ah oo leh dhul daaqsiin bacaad ah, dadkeedu waxay ku tiirsanyihiin dhaqashada Xoolaha iyo ganacsiga.

Dhibaatooyinka Itoobiyaanka iyo murtadiintu ka gaysteen degmada.

Marka laga hadlayo dhibaatooyinka ay saliibiyiinta xabashida ka gaysteen degmada Maxaas ma ahan kuwa lagu soo koobi karo qormo kaliya, oo aad bay u badnaayeen sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo aanu la xiriirnay.

Dhibaatooyinka ay ciidanka saliibiyiinta Itoobiya ee bishii Agoosto ee 2024-kii isaga baxay degmada Maxaas iyo maleeshiyada Riddada ee maanta dagaalka looga saaray magaalada waxaa ka mid ah biyaha oo ay aad ugu dhibi jireen dadka deegaanka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka kasoo jeeda oo aanu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in ciidanka xabashida ay ceelka degmada isku soo beegi jireen xilli ay dadka xoola dhaqatada ah ka cabaan ceelka, taasi oo caqabad joogto ah ku ahayd bulshada muddo 12 sano ah.

“Oday 60 jir ah, oo lagu magacaabo Faarax Dhagey, oo geeliisa u shubayay ceelka ayuu askari Itoobiyaan ceelka kusoo ciriiriyay, ninkii ayaa dharbaaxo ku dhuftay askariga Itoobiyanka, murtadiinta oo fulinaya amarka dowladda ay ilaalinayeen ee Itoobiya ayaa xiray odayga waayeelka ah, waxaa la yaab leh in intaas kaddib uu guddoomiyihii Riddada ee xilligaas Afcadeey uu xabashida u geeyay xoolo uu uga raaligelinayay dhirbaaxada kaga timid ninka waayeelka ah ee sharaftiisa difaacanayay” waxaa sidaas mareegta Calamada u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale dhacdooyinka xanuunka badan ee Maxaas ka gaysteen ciidamadii xabashida waxaa ka mid ahaa in gabadh muslimad ah oo weliba naafo ka ah maqalka ay jiidis ku geeyeen saldhiggii ay halkaasi ku lahaayeen, halkaas na la xaqiijiyay inay kufsi wadareed ugu gaysteen ciidanka xabashida.

Dhacdooyinka Maxaas martigelisay 12-kii sano ee lasoo dhaafay waa kuwa xarka goosad ah, waxaana ugu dambeeyay in maalmihii u dambeeyay ay maleeshiyaadka murtadiinta oo dareensanaa in mujaahidiintu kusoo socdaan waxay magaalada ka gaysteen bililiqo xooggan sida uu inoo xaqiijiyay qof ka mid ah dadka deegaanka oo aanu la xiriirnay.

Dadka shacabka ah si gaar ah xoolaha dhaqatada ayay muddadaas ciidanka xabashida iyo murtadiinta ka hor istaageen inay nabad ku ladaan geedaha iyo magaalada inteeda kale, fasaad diineed oo xarka goosad ah ayay sidoo kale gaysteen cadowgu muddadii ay joogeen.

12 sano kaddib waxay reer Maxaas heleen neecowda xoriyadda iyo raayada Towxiidka oo degmadooda muddadaas ka maqnayd, waxay tani ka dhigan tahay guul usoo hoyatay muslimiinta, halka uu cadowgu ku noqonayo mid dhabar jab ku ah saliibiyiinta iyo murtadiinta oo waayay degmo qadiimi ah oo inka badan 12 sano ay duullaan shareeco la dirir ah ku haysteen, ahdaafta ay u dagaallamayaan mujaahidiinta waxaa ka mid ah inay u gargaaraan dadka mustadcafiinta ah ee dhibannaha u ah saliibiyiinta iyo murtadiinta.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
Next: Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

Related Stories

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.
  • Allposts
  • Warar

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.

April 22, 2026
Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.
  • Allposts
  • Warar

Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada