Madaxweynaha Maraykanka saliibiga lagu magacaabo Donald Trump ayaa ganafka ku dhuftay jawaab ay Iiraan ka bixisay soo jeedin nabadeed oo dowladda Mareykanku ay horay u soo bandhigtay.
Jawaabtan oo Tehran ay shalay u gudbisay Washington iyadoo sii marsiisay Islamabad, ayuu Trump isla markiiba ka booday, waxaanu ku sifeeyey mid gebi ahaanba aan la aqbali karin.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa cirka isku shareeray qiimaha shidaalka adduunka, iyadoo laga cabsi-qabo in colaaddu ay sii daba-dheeraato, marinka Horumuz-na uu sii xirnaado.
Maalmo kadib markii Mareykanku soo bandhigay dalab uu rajeynayay in dib loogu furo wada-hadallada, Iran ayaa Axaddii shalay soo saartay jawaab diiradda saareysa in si Maraykanka iyo xulafadiisu ay si dhamaystiran u joojiyaan dagaalka, gaar ahaan waddanka Lubnaan.
Tehran waxay sidoo kale war-celinteedan ku dalbatay in magdhow laga bixiayo khasaaraha dagaalka, iyadoo carrabka ku adkeysay in si dhamaystiran loo aqoonsado madax-bannaanida Iran ee marin-biyoodka Hormuz, sida uu sheegay telefishinka dowladda Iran.
Waxay sidoo kale ugu baaqday Mareykanka inuu joojiyo go’doominta badda, damaanad-qaadna ka bixiyo in weerarro dambe aanay dhici doonin, sidoo kalena uu qaado cunaqabateynta isla markaana uu soo afjaro xayiraadda iibka shidaalka Iran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim.
Wargeyska Maraykanka ee The Wall Street Journal oo soo xigtay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in jawaabta Iiraan aysan buuxin dalabaadka Mareykanka ee ku saabsan helitaanka ballanqaadyo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.
Dhinaca kale, wakaaladda wararka Tasnim ayaa soo xigatay ilo-wareedyo sheegay, in daadafaynta Trump aysan muhiim ahayn, maadaama ayay yiraahdeen, aanu jirin qof ku sugan Iiraan gudaheeda oo ka shaqeynaya qorshe lagu raali-gelinayo madaxweynaha Mareykanka.
Qiimaha shidaalka ayaa shalay kor u kacay $3 dollar halkii foosto, kadib markii ay soo yeereen wararka muujinaya inuu sii cakirmay ismari-waagii u dhaxeeyey Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo sababay xannibadda marin-biyoodka Hormuz.
Sahanadu waxay muujinayaan in dagaalka uu Donald Trump ku qaaday Iran aanu taageero badan ka haysan shacabka Mareykanka, maadaama uu kordhiyay qiimaha shidaalka, taas oo Trump iyo xisbigiisu ay ka welwelsan yihiin inay saameyn ku yeelato doorashooyinka soo socda.
Mareykanku sidoo kale wuxuu ku hungoobay inuu helo taageero caalami ah, iyadoo xulafada reer Yurub ee NATO ay diideen baaqyadii ay Washington kaga dalbatay maraakiib si loo furo marinka Hormuz iyada oo aan la helin heshiis nabadeed oo dhameystiran.
Ma cadda tallaabooyinka diblomaasiyadeed ama milatari ee dhexmari doona Maraykanka iyo Iiraan, inkastoo falanqeeyayaal ay soo xigatay Al-Jaziira ay sheegeen in suurtogal ay tahay in degganaanshaha taxaddarka leh uu maalmo sii socdo.
Trump ayaa la filayaa inuu Arbacada gaaro caasimadda Shiinaha ee Beijing. Iyadoo cadaadis isa soo taraya uu jiro si loo soo afjaro dagaalka iyo qalalaasaha tamarta caalamka ee uu huriyay, Iran ayaa ka mid ah mowduucyada ay Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping (Shii Jiin Piin) ka wada hadli doonaan.
Trump ayaa doonayo inuu sasabto Shiinaha oo xiriir wanaagsan la leh Iiran, si Beijing ay Tehran ugu riixdo inay aqbasho heshiis nabadeed oo ay la gasho Washington.
Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda, Benjamin Netanyahu, ayaa isna sheegay in dagaalku uusan dhammaan ilaa laga takhalusayo awoodda nukliyeerka iyo gantaallada Iiraan.
Dhanka kale, Madaxweynaha Iiraan, Mascuud Pezeshkiyan, ayaa ku adkeystay in dalkiisu uusan marnaba u hoggaansami doonin cadowga, uuna difaaci doono danihiisa qaranka.
Taliyaha millateriga Iiraan ayaa amarro cusub oo ku saabsan hawlgallada millateri ka helay hoggaamiyaha sare Mojtaba Khamenei.
Imaaraadka Carabta ayaa shalay Iiraan ku eedeeyay weerarro ka dhacay dhulkooda, kaas oo noqonaya kii labaad tan iyo markii xabad-joojintu bilaabatay.
Waxa kale oo jira weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka oo shalay lagu qaaday markab xamuul ah oo marayay marin-biyoodka Hormuz iyo agagaarka biyaha Qatar.
Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa iyaguna sheegay in markabka lagu weeraray Qatar uu ahaa mid Maraykanku leeyahay, iyagoo ku hanjabay in mar dambe aan loo dul-qaadan doonin gardarrada cadawga.
Xaaladda Marinka Hormuz ayaa aad looga dayrinayaa, waxaanu weli yahay mid khatar weyn ku ah ammaanka maraakiibta iyo dhaqaalaha adduunka.