Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Madaxweynaha Mareykanka Oo Ku Gacan-seyray Jawaabta Iiraan Ka Bixisay Soo-jeedinta Dowladdiisa.
  • Allposts
  • Warar

Madaxweynaha Mareykanka Oo Ku Gacan-seyray Jawaabta Iiraan Ka Bixisay Soo-jeedinta Dowladdiisa.

May 11, 2026

Madaxweynaha Maraykanka saliibiga lagu magacaabo Donald Trump ayaa ganafka ku dhuftay jawaab ay Iiraan ka bixisay soo jeedin nabadeed oo dowladda Mareykanku ay horay u soo bandhigtay.

Jawaabtan oo Tehran ay shalay u gudbisay Washington iyadoo sii marsiisay Islamabad, ayuu Trump isla markiiba ka booday, waxaanu ku sifeeyey mid gebi ahaanba aan la aqbali karin.
 
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa cirka isku shareeray qiimaha shidaalka adduunka, iyadoo laga cabsi-qabo in colaaddu ay sii daba-dheeraato, marinka Horumuz-na uu sii xirnaado.

Maalmo kadib markii Mareykanku soo bandhigay dalab uu rajeynayay in dib loogu furo wada-hadallada, Iran ayaa Axaddii shalay soo saartay jawaab diiradda saareysa in si Maraykanka iyo xulafadiisu ay si dhamaystiran u joojiyaan dagaalka, gaar ahaan waddanka Lubnaan.

Tehran waxay sidoo kale war-celinteedan ku dalbatay in magdhow laga bixiayo khasaaraha dagaalka, iyadoo carrabka ku adkeysay in si dhamaystiran loo aqoonsado madax-bannaanida Iran ee marin-biyoodka Hormuz, sida uu sheegay telefishinka dowladda Iran.

Waxay sidoo kale ugu baaqday Mareykanka inuu joojiyo go’doominta badda, damaanad-qaadna ka bixiyo in weerarro dambe aanay dhici doonin, sidoo kalena uu qaado cunaqabateynta isla markaana uu soo afjaro xayiraadda iibka shidaalka Iran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim.

Wargeyska Maraykanka ee The Wall Street Journal oo soo xigtay ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in jawaabta Iiraan aysan buuxin dalabaadka Mareykanka ee ku saabsan helitaanka ballanqaadyo la xiriira barnaamijka nukliyeerka.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka Tasnim ayaa soo xigatay ilo-wareedyo sheegay, in daadafaynta Trump aysan muhiim ahayn, maadaama ayay yiraahdeen, aanu jirin qof ku sugan Iiraan gudaheeda oo ka shaqeynaya qorshe lagu raali-gelinayo madaxweynaha Mareykanka.

Qiimaha shidaalka ayaa shalay kor u kacay $3 dollar halkii foosto, kadib markii ay soo yeereen wararka muujinaya inuu sii cakirmay ismari-waagii u dhaxeeyey Maraykanka iyo Iiraan, kaas oo sababay xannibadda marin-biyoodka Hormuz.

Sahanadu waxay muujinayaan in dagaalka uu Donald Trump ku qaaday Iran aanu taageero badan ka haysan shacabka Mareykanka, maadaama uu kordhiyay qiimaha shidaalka, taas oo Trump iyo xisbigiisu ay ka welwelsan yihiin inay saameyn ku yeelato doorashooyinka soo socda.

Mareykanku sidoo kale wuxuu ku hungoobay inuu helo taageero caalami ah, iyadoo xulafada reer Yurub ee NATO ay diideen baaqyadii ay Washington kaga dalbatay maraakiib si loo furo marinka Hormuz iyada oo aan la helin heshiis nabadeed oo dhameystiran.

Ma cadda tallaabooyinka diblomaasiyadeed ama milatari ee dhexmari doona Maraykanka iyo Iiraan, inkastoo falanqeeyayaal ay soo xigatay Al-Jaziira ay sheegeen in suurtogal ay tahay in degganaanshaha taxaddarka leh uu maalmo sii socdo.

Trump ayaa la filayaa inuu Arbacada gaaro caasimadda Shiinaha ee Beijing. Iyadoo cadaadis isa soo taraya uu jiro si loo soo afjaro dagaalka iyo qalalaasaha tamarta caalamka ee uu huriyay, Iran ayaa ka mid ah mowduucyada ay Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping (Shii Jiin Piin) ka wada hadli doonaan.

Trump ayaa doonayo inuu sasabto Shiinaha oo xiriir wanaagsan la leh Iiran, si Beijing ay Tehran ugu riixdo inay aqbasho heshiis nabadeed oo ay la gasho Washington.

Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda, Benjamin Netanyahu, ayaa isna sheegay in dagaalku uusan dhammaan ilaa laga takhalusayo awoodda nukliyeerka iyo gantaallada Iiraan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Iiraan, Mascuud Pezeshkiyan, ayaa ku adkeystay in dalkiisu uusan marnaba u hoggaansami doonin cadowga, uuna difaaci doono danihiisa qaranka.

Taliyaha millateriga Iiraan ayaa amarro cusub oo ku saabsan hawlgallada millateri ka helay hoggaamiyaha sare Mojtaba Khamenei.

Imaaraadka Carabta ayaa shalay Iiraan ku eedeeyay weerarro ka dhacay dhulkooda, kaas oo noqonaya kii labaad tan iyo markii xabad-joojintu bilaabatay.

Waxa kale oo jira weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka oo shalay lagu qaaday markab xamuul ah oo marayay marin-biyoodka Hormuz iyo agagaarka biyaha Qatar.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa iyaguna sheegay in markabka lagu weeraray Qatar uu ahaa mid Maraykanku leeyahay, iyagoo ku hanjabay in mar dambe aan loo dul-qaadan doonin gardarrada cadawga.

Xaaladda Marinka Hormuz ayaa aad looga dayrinayaa, waxaanu weli yahay mid khatar weyn ku ah ammaanka maraakiibta iyo dhaqaalaha adduunka.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -24-11-1447-Hijri
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 24-11-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 17-05-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 17-05-1448-Hijri.

October 28, 2026
Kheyre Oo Sheegay In Uu Aad U Kordhay Khasaaraha Weerarkii Jameeco.
  • Allposts
  • Warar

Kheyre Oo Sheegay In Uu Aad U Kordhay Khasaaraha Weerarkii Jameeco.

October 28, 2026
Dhagayso Andalus Oo Baahisay Waraysi Laga Qaaday Mid Ka Mida Maxaabiistii Lagu Qabtay Weerarkii Jameeco.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Andalus Oo Baahisay Waraysi Laga Qaaday Mid Ka Mida Maxaabiistii Lagu Qabtay Weerarkii Jameeco.

October 27, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada