Wargeyska Faransiiska ee Le Monde ayaa warbixin uu baahiyey saacadihii lasoo dhaafay ku sheegay in xiriirka maamullada Hargeysa iyo Talaabiib uu sii xoogaysanayo, isla markaana ay durtaba bilaabeen iskaashi amni oo hor leh.
Sida lagu sheegay warbixintu, Le Monde ayaa ogaaday in xubno ka tirsan adeegyada amniga Somaliland ay tababar ku qaadanayaan gudaha dhulka Falastiin ee Yahuuddu ay xoogga ku haysato, halka saraakiil sirdoon Sahaayino ah ay hore u tageen Somaliland.
Waxa uu xusay wargeysku in dowladda daba-dhilifka ah ee Imaaraadka Carabtu ay magaalada Berbera ka dhigtay saldhig millateri, oo leh deked biyo qoto dheer iyo kaabayaal dhulka hoostiisa ah, kaas oo la qorsheeyey in Maraykanka iyo Yahuuddu ay wada-jir u isticmaalaan.
Shirkadda Imaaraadka ee DP World oo 2016-kii si rasmi ah ula wareegtay maamulka dekedda Berbera, ayuu wargeysku sheegay in halkaas ay samaysay saldhig millateri iyo mid badeed oo ku ag yaal garoonka diyaaradaha ee ku yaal galbeedka magaalada Berbera.
“Xeebaha Berbera hadda waxaa lagu arkaa saraakiil amni oo Israa’iili ah oo ku dhex lugaynaya xeebta u dhow saldhigga Imaaraadka, gaar ahaan qayb xeeb ah oo dadweynaha laga mamnuucay…” Ayaa lagu yiri warbixinta wargeyskan caalamiga ah ee Le Monde.
Saraakiil Sahaayino ah ayuu wargeysku sheegay in Berbera ay booqdeen iyagoo ku gudo-jiro sahaminta iyo qiimaynta goobta ugu habboon ee maamulka Yahuuddu uu rabo inuu ka dhiso xarun dhegeysi oo lagu rakibayo radar u jeeda Yemen, si looga hor-tago weerarrada Xuutiyiinta.
Aqoonsiga uu maamulka Yahuuddu siiyey maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland ayuu wargeysku tilmaamay in Sahaayinadu ay uga gollahayd sidii ay ugu bedelan lahayd saldhig millateri oo ay ka hesho xeebaha dhaca gobollada waqooyiga galbeed Soomaaliya.
Haweenay lagu magacaabo Shiri Fein-Grossman oo ah madaxa Machadka Xiriirka Yahuudda iyo Afrika ee Telaabiib ayaa sheegtay in heshiis amni ay u eg yihiin dhaqdhaqaaqyada sii xoogaysanaya ee ka dhex socda Sahaayinada iyo Somaliland.
Wargeysku wuxuu carabaabay in Somaliland ay rajaynayso in mustaqbalka dhow ay ku biirto heshiiska Ibraahiimiyada. Iyadoo dhanka kalane Xuutiyiintu ay ku hanjabeen in joogitaanka Yahuudda uu Berbera ka dhigi doono bartilmaameed millateri oo sharci ah.
Laba ilo-wareed oo amni ayaa Le Monde u sheegay in Somaliland aysan haysan awood millateri oo ku filan oo ay isaga caabiso weerarro kaga iman kara dhinaca waddanka Yemen. Waxaanu midkood uu yiri “Israa’iil ayaa si walba uga faa’iidday heshiiskan,”
Ilo-wareedka kale ayaa isna sheegay in heshiiskani uu khasaare mooyee uusan jirin wax faa’iido ah oo uu ugu fadhiyo Somailland, waxaanu yiri “Yahuuddu waxay heshay saldhig istiraatiiji ah oo millateri, laakiin Somaliland ayaa isku qabi doonta khasaaraha wixii weerar ah ee dhaca”
Sida ay carabowday warbixintu, Berbera waxay noqotay isha ugu weyn ee walaaca, iyadoo madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland C/Raxmaan Aw-Cali Faarax oo wargeyska la hadlay uu yiri “Ma inkiri karno khatarta ka iman karta joogitaanka Yahuudda ee dhulkayaga,”
Si kastaba ha ahaatee, warbixinnadan iska soo daba-dhacaaya oo ka marag-kacaya xogtii ay horey usoo bandhigtay xarakada Al-Shabaab, ayaa imanaya iyadoo dhawaan C/Raxmaan-Cirro uu heshiisyo amni oo hor leh uu la soo saxiixday R/Wasaaraha Yahuudda, Binjamin Netanyahu.