Abiy Axmed, R/Wasaaraha ayaa ku eedeeyey kooxda gacanta ku haysa gobolka Tigrey ee TPLF, Suudaan iyo Erateriya in wadaan iskaashi ka dhan ah Itoobiya, isaga oo isbarbardhig ku sameeyay isbahaysigii 1991-kii horseeday ridista xukuumaddii Dergiga ee Mingiste Xayla Maryam.
Isagoo Talaadadii shalay hadal ka hor-jeedinayay golaha baarlamaanka, ayuu Abiy Axmed ku adkeystay in xitaa haddii dhinacyo kale kusoo biiraan iskaashigan, uusan wax khatar ah ku ahayn madaxbannaanida Itoobiya.
“Ma aha oo keliya Shacbiya (Erateria), Weyane (TPLF), iyo Suudaanxitaa haddii kuwo kale lagu daro, ma jiro hal xabbo oo khatar ah oo ku wajahan madax-bannaanida Itoobiya,” ayuu Abiy u sheegay baarlamaanka dowladda Xabashida Itoobiya.
TPLF ayuu Abiy ku tilmaamay Faaska lagu jaro dhirta, halka Erateriyana uu ku sifeeyey daabka faaska, isagoo xoogag saddexaad oo magacyadooda aanu carabaabinna uu sheegay in iyaguna ay yihiin gacanta isticmaalaysa faaskan iyo daabkiisan isku jira.
R/Wasaaraha Itoobiya wuxuu sheegay in faaska ay gacanta ku hayaan quwado shisheeye oo aanu magacaabin, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin xoogga dhabta ah ee ka dambeeya isbahaysigan uu walaaca xooggan ka muujiyey.
Abiy ma uusan magacaabin cidda uu ula jeedo quwado shisheeye ama kuwa qarsoon, balse wuxuu sheegay in dhibaatada Itoobiya aan lagu xallin karin oo keliya in lala tacaalo TPLF ama Erateriya, balse ay tahay in laga takhaluso xoogagga aan muuqan ee gadaal ka riixaya isbahaysigan.
Falanqeeyayaasha ayaa tilmaamay in goodiska Abiy uu ku wajahan yahay Masar, maadaama khilaafka xooggan ee webiga Niil ee u dhaxeeya labadooda dhinac uu sii xumaaday, isla markaana Masar ay muddooyinkii u dambeeyey abaabullo ka wadday dalal ay ka mid yihiin Eretariya iyo Jabuuti.