Andalus Podcast, waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga Al-andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shakhsiyad waayo joog ah oo umadda Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkaan waxaa markale barnaamijka marti ku ah Sheekh Cabdiweli Cabdullaahi Muudeey, oo ka mid ah culimada wilaayaadka islaamiga ah, wuxuuna sheekhu barnaamijka kaga jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Maxaan ka ognahay cudurada ruuxiga ah, dhibaatooyinkooda iyo daawadooda?.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.