Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay, shirarkii u dhaxeeyay mucaaradka iyo kooxda Riddada Soomaaliya, kaas oo ay horay u iclaamiyeen gaalada beesha caalamka oo ah kuwa sida rasmiga ah u maamula nidaamka Riddada.
Shirkan oo gelinkii dambe ee maanta ka furmay xerada Xalane, ayaa la isugu keenay xubno ka socday dhinacyada mucaaradka iyo kooxda talada haysa ee uu hoggaanka u hayo murtad Xasan Gurguurte.
Wakiillada reer Galbeedka, oo dhex-dhexaadinayay dhinacyada ayaa dhagaystay doodaha dabadhilifyadooda is diidan, waxaana kulankaas sida la sheegay lagu soo bandhigay doonista dhinac kasta ee doorashada.
Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in beesha caalamka ay dhinacyadu fartay inay dib isugu soo laabtaan oo wada-hadallada ku aaddan arrimaha doorashooyinka ee la isku hayo halkooda laga sii wada.
Xubno ka socday Farmaajo oo shirka ka qayb-galay ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in kulanka 1-aad uu soo dhamaaday, nooca doorasho ee ay doonayaan ayay soo bandhigeen, ilaa 10 qodob ayayna shaaciyeen.
Beesha gaalada caalamka, ayaa marka ay is fahmi waayaan dabadhilifyadooda isugu keena kulamo qoor-qabad ah oo wajiyo is-diidan la isaga horkeeno si ay uga wada hadlaan arrimaha ay isku hayaan ee doorasho gaaleedka.