Kulan aan horay loosii qorshaysan oo madax katirsan dowladaha ku bahoobay ururka IGAD ay ku yeesheen magaalada Jabuuti ayay uga doodeen xaaladaha kusoo kordhay mandiqadda.
Wasiirrada arrimaha dibadda ururkan waxay sheegeen in lawareegidda Xuuthiyiinta ee marin biyoodka Baabul Mandab uu calaamatul su’aal gelinayo amniga qaar kamid ah dalalka geeska Afrika.
Diblumaasiyiin shirka ku sugan ayaa lagasoo xigtay in madaxdii madasha ku sugnaa ay si gaar ah walaac uga muujiyeen xaaladda malaayiin qof Itoobiyaan ah haddii ay Xuuthiyiintu xiraan Baabul Mandab maadaama dadka Itoobiya badankood ay noloshoodu ku tiirsantahay badeecadaha kasoo gudba marinka Baabul Manadab.
Xoghayaha guud ee ururka IGAD ayaa ugu baaqay dowladaha gobolka in ay si dhow isha ugu hayaan isbedellada wadanka Yemen ayna ka shaqeeyaan sidii loo sugi lahaa amniga badda Cas.
Dalalka Jabuuti iyo Ereteriya oo dhaca geeska Afrika ayaa kaabiga ku haya marinkan muhiimka ah oo ay maraan konteerrada ganacsiga caalamka 25%.
Dhinaca kale Ururka IGAD ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xaalad halis ah ay wajahayaan malaayiin qof oo ku dhaqan wadanka Itoobiya.
IGAD waxay warbixinteeda walaaca huwan ku muujisay in muusimka beeraha wadanka uu sanadkan aad u hooseeyay wax ka liita kalabar raashinkii lasoo saaray xagaagii hore.
Digniinta ayaa lagu sheegay in roob yaraanta iyo duufaannada soo socda ee El_Niño ay halis weyn gelinayaan dadka xabashida Itoobiyaanka ah ee ladaalaa dhacaya dagaallada sokeeye.