Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dibadbaxyo ballaaran ka dhaceen gudaha magaaladaasi, halkaas oo ay isugu soo baxeen dad aad u fara badan uu diidan doorashada Xasan Gurguurte.
Dadka isku soo baxyada dhigayay ayaa sidoo kale kasoo horjeeda Cali Guud-laawe oo ah madaxa maamulka Ashahaada la dirirka ee Hirshabeelle iyo dib u doorashadiisa hoggaanka maamulkaasi.
Inta dibadbaxyadu socdeen waxaa lasoo tabiyay in rassaas nool nool loo adeegsaday dadka bannaanbaxa dhigayay, taasi oo keentay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida dadka deegaanku soo tabiyeen.
Muuqaallo ku faafay baraha bulshada, ayaa muujinayay rassaas lala dhacayo dadka isku soo baxyada dhigayay, waxay taasi keentay dhimashada laba qof, iyo dhaawac tiro kale sida wararka qaar sheegeen.
Dibadbaxyadan ballaaran ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa muujinaya diidmada xooggan ee ka dhanka ah nooca doorasho ee uu watao Xasan Gurguurte, kaasi oo horay looga diiday in laga qabto deegaannada ay ka arrimiyaan maamullada Axmed Madoobe iyo Siciid Deni iyo Laftagareen oo isugu ka biya diiday balse ugu dambayn awood ciidan meesha looga saaray maamulkiisa.