Agaasimaha Guud ee warbaahinta Ingiriiska ee BBC-da, ninka lagu magacaabo Matt Brittin (Maat Birittan), ayaa shaaca ka qaaday in xaalad dhaqaale-xumo oo aad u adag ay wajahayaan, taas oo keeni karta ayuu yiri in albaabada loo laabo kanaallada telefishanka iyo idaacadaha BBC-da.
Waxa uu sheegay in BBC-du ay waddo qorshe ay ku dhimayso kharashaadka ilaa £500 milyan (Shan boqol oo milyan oo Gini) una dhiganta ku dhawaad $663 milyan (Lix boqol lixdan iyo saddex milyan oo dollar), waxaanu carrabka ku adkeeyey in aan la dammaanad qaadi karin in dhammaan barnaamijyada iyo kanaallada BBC ay sii jiri doonaan.
Sida uu xusay, BBC-du waxay bilihii u dambeeyay ku dhawaaqday in la dhimayo shaqooyin iyo barnaamijyo dhowr ah, isla markaana la filayo in dhimista kharashaadku ay sii socoto, maadaama hey’addu ay sii dhex muquurnayso cadaadis dhaqaale oo sii kordhaya.
Agaasimaha oo aad uga walaacsan xaaladdan ayaa geesta kale in BBC-du ay tijaabin doonto tiknoolajiyadda casriga ah ee loo yaqaan Garaadka Macmalka ah ama AI-ga, balse waxa uu tilmaamay in AI-gu uusan beddel u noqon karin shaqaalaha iyo hal-abuurka aadanaha.
Sida muuqata warbaahinnadii waaweynaa ee kuffaarta caalamka u qaabilsanaa la-dagaallanka Islaamka iyo muslimiinta ayaa wajahaya xaalad aad u adag. Sanad iyo dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii albaabada la iskugu dhuftay xarumo warbaahineed oo muddo dheer u shaqaynayay Maraykanka.
VOA ayaa ka mid ahayd warbaahinta uu maamulka Trump hawada ka saaray horraantii 2025, waxaana iyada iyo BBC-da loo sameeyey laamo ku hadla afaf kala duwan sida Carabiga iyo Soomaaliga, kuwaas oo si gaar ah loogu xil-saaray suurad-xumaynta jihaadka iyo Mujaahidiinta.
Allaah fadligiis, beentii iyo burunbagaandadii kuffaartu waxay noqotay hal bacaad lagu lisay, waxaanay haatan wajayaan burbur aad u xooggan xilli weliba ay dhexda u fadhiyaan guul-darrooyin baaxad leh, isla markaana halgannada jihaadigu ay yihiin kuwo si xawliya u sii bullaalaya.