Wasiirka Gaashaandhigga kooxda Riddada Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka walaacsan in siyaasiyiinta mucaaradka ah abaabul ciidan oo ka dhan ah kooxda Xasan Sheekh ka sameeyaan magaalada Muqdisho, ayaa u goodiyay madaxda mucaaradka ah.
Wuxuu sheegay in haddii mucaaradku abaabul ciidan sameeyaan ay jawaab adag ka bixin doonaan, wuxuu tilmaamay in jawaabtoodu ka cuslaan doonto dagaalladii hore Muqdisho kula galeen maleeshiyaadka mucaaradka.
Hadalka Fiqi, ayaa kusoo beegmaya xilli Gurguurte uu wajahayo cadaadisyo uga imaanaya gudaha iyo dibadda, taasi oo ay usii dheertahay dhaqaale yari baahsan oo kooxdan soo wajahday.