Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka gaashaandhigga kooxda Riddada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal katirsan maleeshiyaadka kooxda Riddada lagu laayay magaalada Muqdisho iyo banaankeeda.
Isagoo goob fagaare ah ka hadlayay ayuu sheegay in weerarada mujaahidiinta uu khasaaraha ugu daran kasoo gaaray maleeshiyaadka qaabilsan ammaanka magaalada Muqdisho ee loo yaqaan Boolis Melletaariyo.
Wuxuu carrabaabay in weeraro toos ah iyo qaraxyo ay Al Shabaab labeegsadeen maleeshiyaadkan ay sababeen hallaaggo boqolaal askari.
wuxuu intaas ku daraya in askar kale ay dhulyaal layiciin weerarada mujaahidiinta ee ka socda Muqdisho iyo hareeraheeda, bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ay mujaahidiintu weeraro culus kala hortageen maleeshiyaad katirsan kooxda Riddada oo dhaq dhaqaaqyo ka waday duleedka degmada Dayniile.
Camaliyaatkaas mujaahidiinta ayaa fashiliyay xamlo uu cadowgu ku doonayay in uu ku arbusho deegaannada dhaca duleedka Dayniile illaa deegaanka Basro.