Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha, ayaa sheegaya in askari murtad ah uu toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa mooto.
Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday bar Control oo kutaal deegaanka Ceelasha Biyaha, waxayna wararku sheegayaan in askari murtad ah oo barta ku sugnaa uu goobta joojiyay darawalka mootada ka dib na dalbaday bixinta lacag baad ah.
Wadaha mootada ayaa ka biya diiday bixinta lacagtaasi baadda oo tiradeeda lagu sheegay hal Dollar, askariga murtadka ah oo si gaar ah uga tirsan maleeshiyaadka sirdoonka Riddada ee NISA, ayaa wadaha ugu jawaabay rasaas nool, taasi oo keentay in uu goobta ku nafbaxo.
Sawir lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay maydka wiilka dhalinyarada ah oo yaal goobta uu dilku ka dhacay, waana mid ka mid ah beegsiga iyo ugaarsiga maleeshiyaadka murtadiinta ku hayaan wadeyaasha mootooyinka ee ka howlgala Muqdisho iyo duleedkeeda.